MUKHTAAR ODAY OO SOO QAADAY HEES KA HADLEYSA SOOMAALIDA HOLLAND + HEESTA

MUKHTAAR ODAY OO SOO QAADAY HEES KA HADLEYSA SOOMAALIDA HOLLAND + HEESTA

daajis.com:-Fanaanka caanka ah ee reer Holland Mukhtaar Oday oo sanadkaan heesa isdaba joog ah soo saaray ayaa soo qaaday hees ka hadleyso xaalada nololeed ee Soomaalida Holland ku nool, lacagaha deymaha ah ee la siiyo qaxootiga iyo dhibaatooyinka daba yaala hadii uusan qofku si toos ah u bixin.

Heestaan oo la yiraahdo Deurwaarde ayaa si toos ah u taabaneyso marka qofku deynta bixin waayo iyo qaabka guryaha loogu galo markey lacagaha deymaha bixin waayaan iyo dhibaatooyinka dhaqaale dad badan ku heysta dibedaha iyadoo dad badan ka aaminsan yihiin in nolol fiican taalo .

Soomaali tiro badan oo horey u deganaa wadanka Holland ayaa u guuro wadanka Britian waxaana lagu xantaa dadka Soomaalida ah iney yihiin kuwa si toos iyo si dad badan uu usaameeyey dhaqanka reer guuraanimada.

Waxaa sidoo kale fanaanka heestaan u dheer heesta SOWRAC, UMUL iyo heeso farabadan oo jaceyl ah.

Fardowsa Maxamed Cabdulle
Nijmegen,Netherland







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada