Cabdi Raxmaan Faroole oo Dhistay Qasri Weyn oo Madaxtooyo noqonaya Caawana ku hoyanaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Raxmaan Faroole oo Dhistay Qasri Weyn oo Madaxtooyo noqonaya Caawana ku hoyanaya (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray Qasri Cusub oo noqonaya Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland kaa oo laga dhisay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xafladaa Xariga looga Jarayay Madaxtooyada Cusub ee Puntland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan Maamulk Puntland iyo sidoo kale marti sharaf isugu jirtay Soomaali iyo ajaaniib oo lagu casuumay .

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalo kala duwan ka jeediyay Xafladii xariga looga Jarayay Xarunta Cusub ee Madaxtooyada Puntlanad waxa uuna sheegay in Maamulkiisa uu hir galiyay Madaxtooyada Cusub iyo sidoo kale dhismayaal kale oo muhiim ah ee ka dhiseen Magaalooyin kala duwan oo Puntland katirsan Mashaariic kalana ee dhawaan Bilaabi doonaan.

Madaxweynaha ayaa farxad weyn ku tilmaamay inuu maanta xariga ka jaro dhismahan aadka u quruxda badan oo noqonaya aqalka Madaxtooyada Puntland, wuxuuna sheegay dhismahani inuu qayb ka yahay mashaariicda ay Dawladiisu ka hirgelisay Dalka sanado badan oo ay soo jirtay Puntland kadib,Isagoo tilmaamay inuu aqalkani noqon doono kan looga arimiyo Puntland ayna ku shaqayn doonaan Madaxda iyo Dawlaha isbadeli doona ee Puntland ayna kusoo dhawayn doonaan cid kasta oo iyaga badesha.

Madaxweyne Faroole ayaa caawa ku hoyana Qasriga Cusub ee madaxtooyada Puntland oo maanta xariga laga jaray kadib markii Maamulka hada jira ee ku guuleesteen dhisida Madxatooyadan Cusub , dad badan oo kasoo horjeeda Siyaasada Faroole ayaa sheegaya in ee adkaan doonto in uu Faroole ka baxo Madaxtooyada Sanadaha soo aadan maadama uu yahay nin xilka aad u jecel dhawaana Sanad dheeraad ah ku darsaday Madaxtinimada Puntland..







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada