Ganacsade Dadkiisa Ay Gaajo u dhintaan oo isna xirtay shaar dahab ah + video

Ganacsade Dadkiisa Ay Gaajo u dhintaan oo isna xirtay shaar dahab ah + video

daajis.com:-Nin u dhashay Dalka Hindiya oo ganacsada ah ayaa sameystay mid ka mid ah shaararka ugu qaalisan Caalamka oo laga sameeyay 3kg oo dahab ah oo u dhigma 250,000 oo doolar, iyadoo wax aad loola yaabo ay ku noqtay shacabka tirada badan ee Dalkaasi oo badankood halgan ugu jira nolol maalmeedka.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Datta Phuge ayaa waxaa lagu naaneesay “the gold man” ama ninkii dahabka, run ahaana waad garowsanaysaa sababta loogu yeerey magacaasi marka aad aragtid shaarka u xiran oo gabi ahaantiisba laga sameeyay dahab iyadoo gacmaha iyo goortana ay u saran yihiin faraantayaal iyo kuulo tira badan oo wada dahab ah.

Mar wax laga waydiiyay waxa uu ku keenay in shaar dahab ah uu xirto ayaa waxa uu yiri
”Dadka way i waydiiyaan waxa aan u xirtay shaarkaan laga sameeyay dahabka qiimaha badan ku fadhiyo, waxaana u sheegaa in ay tahay riyadeyda oo aan ku riyoon jiray in maalin un aan xirto shaati dahab ah, dadka waxa ay leeyihiin riyooyin kale duwan, kuwa waxa ay jecel yihiin in ay helaan gaari Audi ama Mercedes ah ama mid kale oo ka qiima badan, anigase waxaan doortay Dahab”
Waxa uu intaasi ku daray in sidoo kale uu leeyahay gawaari qiima badan balse arintaan ay tahay wax u gaar ah oo dadka uu kaga duwan yahay waana waxa qof walba uu ii waydiinayo sababta aan u xirtay ayuu yiri.


Shaatiga dahabka ah oo uu xirto marar gaar ah ayaa waxa uu ku fadhiyaa qiima badan oo nafsadiisa qatar galin karta.


Hadaba waxaan la faafaaihiyay waqtiga ku baxay sameynta shaatiga iyo qiimaha uu ku fadhiyo iyo shaqaalaha ka shaqeeyay in ay sameeyaan.

Miisaanka- 3.3kg oo dahab ah

Waqtiga lagu sameeyay – 15 Maalmood
Dadka ka shaqeeyay – 16 Qof
Qiimaha uu ku fadhiyo Dabahka lagu sameeyay – $250,000

Halkaan Ka Daawo Ninka oo xiran Shaatiga Dahabka Ah



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada