Furiinka Waxa Uu Dhaawacaa Qalbiga Ninka, Waxa Uuna Soo Dadajiyaa Duqnimada Haweeneyda.

Furiinka Waxa Uu Dhaawacaa Qalbiga Ninka, Waxa Uuna Soo Dadajiyaa Duqnimada Haweeneyda.

daajis.com:-Baaritaamo cilmiyeed ayaa sheegaya in ragga yihiin kuwo sida weyn u nugul dhibaatada furiinka oo aysan aheyn haweenka sida caanka ah , waxaan taasi u sabab ah iyaga oo weynaya hogaankoodii ahaa xaasle iyo aabo.

Furiinka ayaa lagu tirayaa xalka ugu dambeeya ee lamaanayaasha haddii noloshooda noqoto mid mustaxiil ah , hadaba yaa u daran furiinkaas ninka ama naagta .

Cilmi baaris cusub ayaa sheegeysa in ragga yihiin kuwo u nugul dhibaatada iyo qasaraaha furiinka iyadoo baaritaan lagu sameeyay 10-kun oo rag oo xaasaskooda furay lagu arkay in ay sara u kaceen xanuunada ku dhacay ee nafsiyanka iyo jirka ahba
Darsaadaan ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Caynu Shams ee dalka Masar ayaa cadeyneysaa in ragga horay guurka u soo maray ee ku soo fashilmay in ay u nugul yihiin xanuunada qal qalka nafisyinka ah .



Waxa uu ninka garoobka ah inta badan ka sheegtaa in uusan awoodin in uu la qabsado bulshada ka dib guurkaas soo fashilmay , sidoo kale waxaa ku adag in si fudud uu nolol kale ku sameeyo .

Sidoo kale taqaatiirta caafimaadka ayaa sheegaya in arinta kale ee ragga dhibeysa ee ciriirineysa ay tahay iyaga oo waaya doorka aabanimo maadaama furiinka ka dib ay hooyada ay ciyaareyso doorka hooyanimo iyo kan aabanimo .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada