MUQDISHO : Haweeneey Seygeeda u Guurisay Saaxiibteed iyadoon Ogeyn Layaab

MUQDISHO : Haweeneey Seygeeda u Guurisay Saaxiibteed iyadoon Ogeyn Layaab

daajis.com:-Qisadan oo ah mid dheer islamarkaane dhinacyo badan aad ka dareemi doontid heerka qayanada iyo jaceylka uu kala jooga ayaan hadane si kooban usoo bandhigi doona qisadan oo ah mid dhab ah islamarkaane dhacday.


Hadaba Haweeney magaceeda qarisay oo xaas ah ayaa waxaa ku dhacday qiso cajiib ah oo aysan marnaba hilmaami doonin sida ay sheegtay kadib markii gabar ay saaxiib qaali ah ay ahaayeen arooskeedii ugu qaban qaabisay odaygii iyada qabay iyadoo waxba kala socon arintaas.


Ninka Ama odayga gabadha qaba oo reer Hargeysa ah balse Muqdisho iyo Hargeysa ganacsi ukala safriya ayaa sameeyay sheeko cajiib ah taasi oo ka nixisay isbitaalna u jiifisay xaaskiisii guriga u joogtay ee u qabay.


Hadaba Sheekadaan layaabka badan ayaa ka dhacday degmada Madiina ee gobolka Banaadir kadib markii haweeney xaas ah oo ninkeedii reer Hargeysa ganacsina ukala safriya Muqdisho iyo Hargeysa in odaygeedii iyo gabar ay saaxiib qaali ah isku yihiin ay isku qaadeen Jaceyl waalan kaasi oo ka dhacay isla guriga haweeneydaan lagu qabay oo ay wada daganayeen.


Lakin Haweeneydaan xaaska ah ayaanan marnaba ka shakinin sida ay sheegtay in gabadha ay saaxiibada wada yihiin in odaygeeda ay jaceyl u qaadi doonto kadibna ay is guursan doonaan.

Hasa ahaatee markii mudo jaceyl ka dhaxeeyay labadaan ruux ayaa waxaa dhacday in ay ku balaman caasimada Hargeysa ee maamulka Somaliland si ay halkaasi isku soo mehersadan iyadoona gabadhaan Maarwada ah ugu sheekeysay in safar gaaban ay ugu bixi doonto Hargeysa kadibne ay soo laaban doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.


Muda shab maalin kadib markii ay Muqdisho ku soo laabatay iyadoo xaas ah balse aanan wali la guri geysan ayay haweeney marwada aheyd misna ay saaxibada wada ahaayaen u sheegtay in si filinwaa ah ay nin isku soo barten Hargeysa isna soo mehersadaan balse ay ka codsatay in arooska lagu dhigo gurigeeda iyana waa ay ka aqbashay ileen ma oga sida ay wax u jiraan wa qof iska daacad ah.

Qisada oo ah mid la yaab leh ayaa Gabadhaan marwada ah ayaa dadaal xoogan u gashay soo iibinta jiifkii guriga iyo alaabooyinka arooska loogu talagalay maadaama odaygeeda ay ku ogeyd magaalada Hargeysa waxaana dhacday in gabadhii aroosada aheyd ay gacanteeda ku qurxisay iyadoo geynin meelaha haweenka lagu qurxiyo maadaama ay ku sharfeysay saaxiibada ay yihiin ayna ogeyn qayaanada socota.

Hayeshee maxaa dhacay markii la gaaray maalinkii arooska aheyd Waxaa irida hore ee guriga soo buux dhaafiyay ku dhawaad labaatan gaari oo uu saaran yahay odaygeedii oo aroos ah balse aysan iyada ogeyn waxaana gaarigii ugu horeeyay ka soo dagay odaygeeda oo gacanta ka heysta saaxiibteed oo aroos ah waxaana markii hore ay u qaadatay nin kale oo duqeeda u eg balse markii ay ogaatay in odaygeedii uu yahay ayay suuxday waxaana loola cararay isbitaal oo mudo 20 cisho ah oo ay jiiftay.isbitaalka.

Ugu danbeyntii Gabadhii sheekadaan cajiibka ah ku dhacday duqeedii wa uu furay ama waa kala tageen hayee she maalmo kadib ayay is rakeen gabadhii qiyaanada ku sameysay waxaana ay madaxa kaga dhufatay ilaa iyo sadex baangad dhaawacna ayay noqotay waxaana markeedi loola cararay isbitaal oo ilaa haatan lagu dabiibayaa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada