Daawo Sawirada:-Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray

Daawo Sawirada:-Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray

daajis.com:-Madaxweynaha cusub ee Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa maanta lagu caleema saaray xaflad weyn oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee kasarani stadium ee magaalada Nairobi.


Xafladda caleema-saarka Mr. Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 100,000 oo qof oo ay ku jiraan ilaa iyo 15 hogaamiye oo ka kala socday wadamada caalamka.

Mr. Kenneth Kaunda oo madaxweyne ka ahaan jiray dalka Zambia ayaa ka mid ahaa  madaxda caanka ah ee munasabadda ka soo qayb-gashay.

Mr. Uhuru Kenyatta oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya horaantii bishii bishii March ee sanadkan, ayaa noqonaya madaxweynihii afaraad ee dalka kenya uu yeesho, waxaana aabihii Jomo Kenyatta uu ahaa madaxweyhihii ugu horeeyey ee ay  Kenya yeelato.

Mr. Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto, ayaa maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ay u heystaa eedo la xiriira inay lug ku lahaayeen danbiyo ka dhan ah aadanaha kadib qalalaasihii ka dhashay doorashadii Kenya shan sano ka hor oo dad badan ay ku dhinteen.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo 51 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee ay yeelato Kenya.








_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada