Qisadaan ku Cibro Qaado!!! Aloow khaatimada Noo Hagaaji Yaa Raxmaan

Qisadaan ku Cibro Qaado!!! Aloow khaatimada Noo Hagaaji Yaa Raxmaan

daajis.com:-Waxaa jirtay gabadh shaabada qurux badan Illaahay swt u dhameeyey nimco laakiin nimcadaas uu Alle siiyey ku gacan saydhay oo dariiquu shaydaanku u dajiyey raacday Alloow na astur Waxay ahayd gabadhaasi mid aad uga daba shaqaysa modelka cusub heesta cusub labis nooca udanbeeya maalinkasta.!!!




Aduunyaa ugacan haadisay iyana waysii dabagashay waxay gabadhaasi
dariiqaas haysaba waxay gaadhay maalinba heer ilaa ay noqoto mid xafladaha iyo aroosyada ka heesta iyadoo la moodo inay dharka isku soo midabaysay suu ugu dhagsanyahay dartii Alloow na astur.

Heer waxay gaadhay jacaylka iyo qiimaha ay uhayso musiga in hadii ay seexato ama ay suuxdaba lagu toosin jiray musig Nolosheedii oo dhami waxay noqotay nolol uu shaydaanku usoo saxeexo wax kastooy qabanayso .....

Waxay saas noqotaba maalin maalha kamida ayaa waxaa looga yeedhay
inay ka heesto meel xaflad lagu lahaa oo laga casuumay Alloow na astur oo hana fadeexaynin aduun iyo aakhiraba

Waxay usoo labisaytay si uu ibliis ka xishoonayo waxay soo istaagtay
meeshay ka heesi lahayd... kuwii indhaha shayaadiinta lahaa ee
daawanayeyna ay u sacbinayaan iyadoo wajiyadooda ay ka muuqato
farxad been ah oo ay iyada ku maaweelinayaan iyagoo indhahooda ku

googoosanaya miskiintaas jidhkeeda,iyadoo ismoogan aan is ogayn
inay tahay taasi maalintii ugu fadeexaysanayd maalmahay aduunka
joogtay miiskiin miskiin wallaahi Alloow na asrutr

Waxay bilaabeen shayaadiintii durbaanka shaydaanka waday inay
garaacaan durbaankii jahanama iyadoo iyana halkaas ka biloowday cod
dheer iyo jidh kolba meel u jeedsanaya iyadoo isleh janaddii ayaad
albaakeeda garaacaysaa

Maxaad umalaynaysaan hadaba inuu qabsaday miskiintaas dhoohan ee is
iloowday maxaad umalaynaysaan.


Wallaahi waa magaca Alle'e markaliya ayuu wadnihii istaagay iyadoo
xaaladaas ku sugan iyadoo caasinaysa rabbigii samaawaatka iyo arlada
abuuray.

Isla markiiba waxaa ku soo yaacay oo kusoo baraarugay shayaadiintii
daawanayey ee aad mooday inay wada dhex galeen say udaawanayeen
miskiintaas shaydaanku uu udhoola cadeeyey ee ayna uga hiilin
cadawgaas bal ku caawiyeen sidii ay ugu dhiman lahayd xaaladaas
foosha xun ee laga argagaxo.

Sheekadu saas kumay dhamaane waxaa soo booday qaar kamida iyagoo leh
waxaan ku toosin jiray musik markay wax noqoto ee u baneeya.
kolba midbaa soo booda isagoo dhagaha u galinya musik si ay u kacdo
uun bal kolba codka meesha udanbaysa hala sii geeyo.

laakiin ma maytibay kicin karaan intaas kaliya kumay eekaan sheekaduye wallaahi sidii loo dul taagnaa ee meeshii ay oohin iyo baroor la guuxayso ayaa markaliya waxaa dhacay fadeexadii ugu waynayd ee ku dhacda qof banii aadama Alloow na astur iyadooy meeshaas wada arkaan intaasoo khalqi ahi ayey markaliya kafurmeen maryahay xidhnayd iyadoo mayda oo siday
hooyadeed ku soo dhashay'ah Alloow na astur naxdintii la naxay xaalada ay ku sugan tahay adoontaas nafteeda dulmisay ayaa la kala yaacay qaarna isku dayeen inay cawradeeda asturaan laakiin ma amarka Alle ayey hor istaagi karaan.

Wallaahi si kastooy maryo usoo ururuyeenba markay mid saaraanba way
kaboodaa iyadoo jidhkeeda diidaysa wallaahi Waxaa la la hadlay kii qabay ee aan intay noolaydba asrturin iyadoo la leeyahay kaalay xaaskaaga asturo muxuu samyn karaase.

Wallaahi waxaa xaqiiqa in xataa kafankii uu diiday oo iyadoo qaawan
oo say ku soo dhalatay'ah lagu aasay qabrigii madoobaaaaaaaaaaa!

Walaal is waydii maanka fiicanahay iyada anigaba saw iguma dhici
karto tani.... malaga yaaba inay ku fakaraysay bari baad toobad
keeni ilaa ay heerkaas gaadhay.........

Hadaba walaal marna ha is odhan Alle wuu kaa jeedaa oo mar uun ku
qaban maayo qabasho daran!!!

Aloow khaatimada noo hagaaji yaa Raxmaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada