Bayren Munich Oo Hal Lug La Sii Gashay Finalka UCL Dib Markii Ay Allainz Arena Ku Xasuuqeen Barcelona.

Bayren Munich Oo Hal Lug La Sii Gashay Finalka UCL Dib Markii Ay Allainz Arena Ku Xasuuqeen Barcelona.

daajis.com:-Kooxda Bayern Munich ayaa hal lug la sii gashay finalka Champions League ka dib markii ay 4-0 ku dubteen kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd Allainz Arena lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay daqiiqadii 2aad Bayern Munich markii Martinez uu kubad cirib ah u dhigay Arjen Robben, kaasoo isna goolka abaaray halkii uu u baasi lahaa Gomez oo goolka u furan, laakiin waxaa kubada lugaha kaga badbaadiyay goolhaye Valdes.


Valdes Oo Fursad Halis Aheyd Bilowgii Ciyaarta Ka Badbaadinaya Arjen Robben.

Daqiiqadii 15aad ayaana Bayern Munich ay ku andacootay rigoore markii kubad uu 20 yard meel u jirta goolka uu soo tuuray Lahm ay gacanta kaga dhacday Pique, laakiin garsoore Kassai ayaa tilmaamay kaliya kooner.

Bayern Munich ayaana hogaan ay u qalantay u qabatay ciyaarta daqiiqadii 25aad markii kooner uu soo tuuray Robben uu markii hore madax la helay Dante ka dibna waxaa meel dhow madax ku sii dhameystiray Thomas Muller, kaasoo dhaliyay goolkiisii lixaad ee Champions League xilli ciyaareedkan.


Muller Oo Madax Ku Dhalinaya Goolkii Ugu Horeysay Ee Bayern Munich
Daqiiqadii 30aad ayaana Dante uu fursad halis ah aheyd ka beeniyay Barcelona markii karoos uu keenay Pedro oo u socday Messi oo cidna aysan xiraneynin faraha lugtiisa kooner ugu saaray.

Labo daqiiqo ka dib Bayern ayaa ku andacootay rigoore ale markii madax uu galay Dante ay gacanta ka sii taabatay Sanchez dillinta ganaaxa dhexdeeda, laakiin garsooraha ayaa tilmaamay kooner kaliya madaama kubada ay banaanka u baxday.


Mario Gomez Oo Shabaqa Dhex Dhigaya Kubada Goolkii Labaad Ee Bayern Munich
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa, shan daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad ayaana Bayern Munich ay dheereysatay hogaanka.

Kooner kale uu soo tuuray Arjen Robben ayaa waxaa madax la helay oo goolka afkiisa soo dhigay Muller, waxaana halkaas u joogay Gomez oo shabaqa sii geliyay inkastoo Barca ay ku andacootay inuu offside ahaa. Waxaana ciyaarta ay noqotay 2-0 oo ay hogaanka ku sii dheereysatay FC Hollywood.


Muller Oo Kubad Ku Raacanaya Lionel Messi Oo Ciyaarta Inteeda Badan Ka Aamusnaa
Daqiiqadii 55aad ayaana Bayern waxaa soo martay fursad dahabi ah Robben ayaa kubad fiican ku soo weeraray Barca ka hor inta uusan u dhiibin Ribery oo goolka u furnaa laakiin darbadiisa waxa ay hareermartay goolka.

Seddex daqiiqo ka dib Ribery laad xor uu soo tuuray ayaa waxaa meel halis ah ka helay Robben laakiin kubadii uu madaxeeyay waxa ay agmartay goolka.

Bayern Munich ayaana ciyaarta hal dhinac u riday markii ay heleen goolka seddexaad daqiiqadii 73aad ee ciyaarta markii Arjen Robben uu kubad fantastik ah shabaqa dhex dhigay, inkastoo inta uusan dhalin ka hor uu Muller ku dhacay wadadana ka horistaagay Jordi Alba.

Daqiiqadii 76aad ayaana Barcelona ay ku dhawaatay inay gool soo ceshato markii Xavi laad xor ah uu soo tuuray uu si banaan ah ku helay da’ yarka Bartra kaasoo inta uu iswareejiyay dabadeedna kubada dusha sarre marsiiyay xilli waxa goosha ka hoortaagnaa ay aheyd kaliya goolhaye Manuel Neuer.


Gomez oo asxaabtiisa kula dabaaldegaya goolkiisii ciyaarta.
Daqiiqadii 80aad ayaana Bayern ay ku dhawaatay inay hesho goolkii afaraad, Muller ayaa fursad u helay kubad halis aheyd laakiin waxaa ku soo baxay Valdes oo si fantastik ah uga badbaadiyay.

Labo daqiiqo ka dibna Thomas Muller ayaa Bayern Munich u dhaliyay goolkii afaraad ee ciyaarta hurdo u diray, markii kubad uu soo dhigay Alaba uu shabaqa ku taabtay, waxaana uu ahaa goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkiisii 7aad ee uu ka dhaliyo xilli ciyaareedkan Champions League.

Daqiiqadii 89aad ayaana Jordi Alba uu jaale ku qaatay isagoo kubad banaanka u baxday oo uu siin lahaa Robben uu wajiga uga dhuftay taasoo sababtay inuu maqnaan doono lugta labaad ee ka dhaceysa Camp Nou.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay afar gool iyo waxba oo ay ku badisay kooxda Bayern Munich kuwaasoo hal lug la sii galay finalka Champions League ee Wembley, Barcelona ayaana shaqo adag oo ah inay koraan buur dheer ay u taalaa marka gurigooda lagu soo booqdo lugta labaad isbuuca soo soda.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada