Urur Goboleedka IGAD oo Shir aan Caadi aheyn ka yeelan doonta Arrimaha Soomaaliya.

Urur Goboleedka IGAD oo Shir aan Caadi aheyn ka yeelan doonta Arrimaha Soomaaliya.

daajis.com:-Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Shir Urur Goboleedka IGAD ay ka yeelan doonaan Soomaaliya maalmaha soo aadan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo maanta u safartay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay shir looga hadlayo arrima Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Fowziyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo saxaafadda kula hadashay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tilmaamtay in Shir aan Caadi aheyn IGAD ay 7-bishan ku yeelan doonaan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaasi oo looga hadlayo arrimo ay ugu waa weynyihiin xasilinta Soomaaliya.


Wasiirada Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in shirkaasi lagu soo qaadi doono sidii ay Al Shabaab goobaha ay ku harsan yihiin looga saari lahaa dalka, islamarkaana loo taageeri lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Shirkan ka dhici doona Isniinta soo aadan Magaalada Addis Abaab ee dalka Ethiopia oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa daba socday shirar hore oo ay madaxda Urur Goboleedka IGAD ka yeesheen arrimaha Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada