War Deg Deg Ah Barre Hiiraale iyo Ciidamo badan uu wato oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo Xiisad cabsi oo halkaasi ka taagan

War Deg Deg Ah Barre Hiiraale iyo Ciidamo badan uu wato oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo Xiisad cabsi oo halkaasi ka taagan

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya halkaasi maanta gaareen laguna arkay Ciidamo tiro badan uu wato Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo horey uga mid ahaan Baarlamaanka Soomaaliya iminkana ku jira Saraakiisha Ciidanka Dowlada.

Ciidamadan tira badan uu wato Barre Hiiraale ayaan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda waxaana maanta ee gudaha u galeen Magaalada Kismaayo halkaas oo iminka lasoo sheegayo in ee kusugan yihiin kuna biireen Ciidamo kale oo Dowlada katirsan oo shalay iyo bilo kahor halkaasi iyana gaaray.

Tagitaanka Ciidaman ee Hogaaminayaan Saraakiil uu kamid yahay Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa xiisad ka abuuray Magaalada Kismaayo ,Maamulka KMG ee Kismaayo ka taliya ayaana aad ula yaaban qaabka uu Barre Hiiraale ku tagay Kismaayo iyagoona bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan , Waxaana Kismaayo hada laga dareemayaa Xabsi iyo Saan saan .

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ka tagay Magaalada Muqdisho inkasoo aan la ogeyn qaabka uu Kismaayo ku tagay halka Wararka qaarna sheegayaan in uu Doon ku tagay Magaalada Kismaayo .

Shalay ayey aheed markii Ciidamo tiro badan oo iyana ka tagay Qaar kamid ah Gobolada Dalka kana tirsan Dowlada Soomaaliya ee gaareen Magaalada Kismaayo , lamana oga ujeedka ka dambeeya Ciidamadan tirada badan oo u badan maleeshiyo beeleedyo sababta KIsmaayo loogu daad gureenayo.

Kismaayo awooda ugu badan ee maamusha ayaa ah Ciidamada Kenya iyo Kooxda Raaskanbooni aan hoos imaan Dowlada Soomaaliya uuna Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe oo hada haminaya in uu noqdo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Muranka ka taagan yahay Dhisidiisa ee Jubbaland State.

Dowlada Soomaaliya ayaa gabi ahaan diiday shirka kasocda Magaalada Kismaayo kuna tilmaantay mid sharci daro ah oo waxii kasoo baxa aysan miro dhal noqoneyn , waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka bilowdo colaad u dhaxeysa Ciidamada Dowlada ee kusii qul qulaya Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Raaskanbooni oo iyana xoog badan ku leh Gobolada Jubooyinka maadama ee siyaasad ahaan aad u kala fogyihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada