Dowlad Diiday Minaarad Masjid in ay u Saarto Shacab Muslim ah oo Masjid Dhistay oo Arin mucjiso ah Arkay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dowlad Diiday Minaarad Masjid in ay u Saarto Shacab Muslim ah oo Masjid Dhistay oo Arin mucjiso ah Arkay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)


daajis.com:-Arin mucjiso rabaani ah oo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Nepal ka dib markii muslimiinta dalkaas oo dhistay masaajid ay u diiday dowlada inay ku caawiso qalabkii lagu saari lahaa masaajidka minaaradiisa. 
Dalka Nepal ayaa waxaa la sheegay in lagu arkay mucjiso rabaani oo ka yaabisay dhamaan dadka aduunka ka dib markii muslimiinta dalkaas oo masaajid dhistay ay awoodi waayeen inay saarataan minaaradii masaajidkaas, iyadoona codsiyo badan ay u dirsadeen dowlada dalkaas ay inay ku caawiyaan qalabkii ama wiishkii lagu saari lahaa minaarada masaajidkaas halka ugu sareysa masaajidka ay ka dhaga adeytay dowladu arintaas, dowlada iyo dadka Nepal oo u badan inay aaminsan yihiin diinta Budiistaha ayaan marnaba jeclaysan masaajidkaas cusub ee ay dhisteen dadka muslimka ah ee ku nool dalkaas, Laakiin intaas ka dib ayaa waxaa dhacay arin mucjiso ah waayo Minaaradaas oo ahayd mid aad iyo aad u culus oo aan la qaadi karin ayaa mar qura waxaa la arkay iyadoo hawada sabaynayso islamarkaana aan loo jeedin cid qaaday ama wada minaaradaas, muslimiinta dalkaas oo soo xaadiray goobtaas ayaa waxay ku noqtey arin mucjiso iyo la yaab ah waxa ay dadkaas indhahoodu qabteen iydoona sidii loo waday minaaradaas la dhigay goobtii loogu talagalay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ay arintaasi noqotey mucjiso la yaab leh oo ku cibra qaadasho mudan ayaa waxaa jira inay dadka qaarkood ay aamini waayeen arintaas oo ayna ku tilmaamaan wax la been abuurey, laakiin qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobtaas ayaa xaqiijiyey arintaas inay indhahooda ay ku arkeen islamarkaana ay goob joog u ahaayeen wax dhacay maalintaas. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada