Iker Casillas : Jose Mourinho Xariir Gaar Ah Igalama Dhaxeeyo

Iker Casillas : Jose Mourinho Xariir Gaar Ah Igalama Dhaxeeyo

daajis.com:-Gool hayaha kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa muujiyay rajo inkastoo guul darro xoogan ay kala kulmeen kooxda Borussia Dortmund lugta koowaad ee kulanka wareega 4-ta ee Champion-ka ee ka dhacay garoonka kooxdaan reer Jarmal .

” 90-daqiiqo gudahood waxa waliba ayaa dhici kara , waa in aan u dhimanaa si aan u gaarno finalka Wembley Stadium,ciyaartooyda garoonka soo galeysa muhiimadooda waxa ay tahay in ay u soo baxaan finalka ” ayuu yiri Iker Casillas.
” Waxaan haysanaa fursad kale oo aan uga gun gaari karno ujeedkeena , waan murugeysanahay waana hubaal in maamulayaasha kooxda xalay aysan seexan , waxana hubaa in ciyaartooyda ay dadaal muujin doonaan”.
Mar uu ka hadlayay xaaladiisa kooxda Real waxa uu yiri ” xaalad wanaagsan ayaan ku jiraa inkastoo mid ka wanaagsan aan doonayay , muhiimada waxa ay tahay in kooxda ka caawiyo si ujeedkooyinka aan leenahay u gaarno”.
Mar wax laga weydiiyay xariirka kala dhaxeeya Jose Murinho ayuu yiri iker casillas yiri : Mourinho waa shaqsi run badan , xariirka igala dhaxeeya guud ahaan waa fiican yahay , midkeena mid kale wa uu tix giliyaa balse xariir gaar ah ma lihin “.
Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay amaan uu u jeediyay saaxibkiisa Lopez oo uu sheegay in uu soo bandhigayo ciyaaro heerkooda uu aad u sareeyo kuna guuleystay in ilaalada goosha kooxda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada