Xirfadahan Ayaad U Baahan Tahay In Aad Barato Hadii Aad Dooneyso In Aad Guursato.

Xirfadahan Ayaad U Baahan Tahay In Aad Barato Hadii Aad Dooneyso In Aad Guursato.

daajis.com:-Hadii ay maskaxdaadu ku jirto inaad kelinimada ka baxdo oo aad isleedahay lamaanahaaga/lamaantaada nolosha la wadaag waa arin wanaagsan oo loo baahan yahay,laakin ka feker arimahaan soo socdo inta aadan guurka ku degdegin, si mustaqbalka guurkaaga uu u noqdo mid hirgala.

Waa maxey guur? maxaase u guursaneysaa? muxuu kaaga baahan yahay qofka aad nolosha la qeybso isleedahay? maxaa kuu banaan ama kaa reeban guurka kadib?
Isweydiiso su’aalahan iyo kuwo kale oo badan oo guurku ku taxaluqo waa u muhiim lamaanaha raba iney nolol cusub abuurtaan,sameey la tashi la xiriira dadka waayo aragnimada u leh guurka ama waalidka ama asaxaab kale oo aad isleedahay wax ayey kugu kordhin karaa.mararka qaarkood jaceylka keliya guriga kuma dhismi ee wuxuu u baahan yahay dad waxgarad ah ugana gudbi kara dhibaatooyinka hor imaankara mustaqbalka dhow ama kan fog labadaba.Badanaa dhalinyarada sanadahaan dambe waxey ku dhiiradaan ayagoo aan aqoon u laheyn masuuliyada saaran ama lagu leeyahay,waxaana la arkaa in qilaafka ugu horeeya ee qoyskaa soo kala dhexgalo inuu degdeg guurkaasi ku burburo.
Ka baarandeg qofka aad noloshaada inta ka dhiman u hibeyneyso inuu yahay mid kuu qalma oo kula wadi kara nolosha,isku day inaad soo ogaato shaqsiyadiisa adigoo dhaawacey qofka karaamadiisa, ogow wuxuu ku fiican yahay iyo wuxuu ku xun yahay labada, waxa dhibaayo iyo sida ay tahay noloshiisa caadiga ah ee ka baxsan tan maqaar saarka ah ee ku dhisan soo jiidashada iyo ka helitaanka marxaladaha shukaansiga, taasi waxey kaa caawineysaa sidii aad qofkaas ula dhaqmi laheyd markaad guri gashaan,islamarkaana waxaa macquul ah iney kuu fududaato sidaad ku xalin laheyd hadii mushkilad timaado.
Waa inaad taqaanaa shuruuda iyo nidaamka guurka:hadii intaadan guursan ka hor noloshaadu iska aheyd mid adiga keliya kugu kooban oo go’aan kasta oo noloshaada quseeya aad keligaa gaari jirtay ogoow maanta keligaa go’aan ma gaari kartid waxaa kugu lamaansan naf kale.
Haduu aad shalay xorimo ku taameysan maanta ogow inaadan xor aheyn oo aadan u laafyoon karin una kaftami karin sidii shalay arintaas waxaa laga yaabaa iney dhibto lamaankaaga uu halkaasi ka abuurmo hinaaso sababa burburka qoyskiina.
Xiriir wanaagsan: xiriirka wanaagsan waxaa loola jeedaa inuu jiro jewi isku xernaan adiga iyo qofkaaga ah,inaad lahaatiin hal hadaf oo aad ka wada duushaan waa inaad ahaataa n dad isku dan ah oo farqi aanu u dhaxeyn waxaa meeshaasi ka dhasha kalsooni dheeraad ah hadii dadka nuucan ah qilaaf soo kala dhaxgalana badanaa waxey leeyihiin qaab u gaar ah oo ay si fudud ugu xalin karaan iyadoo aanan qof kale ogaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada