War Deg Deg AH: Howlgalkii ugu Balaarnaa ee ka Qeyb qaadanayaan Diyaarado dagaal oo saaka kasocda Muqdisho

War Deg Deg AH: Howlgalkii ugu Balaarnaa ee ka Qeyb qaadanayaan Diyaarado dagaal oo saaka kasocda Muqdisho

daajis.com:-Waxaa saakay Xaafadada Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley kasoconaya Howl galo aan caadi aheyn ee ka qeyb qaadanayaan Gawaaarida Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM iyo waliba Diyaarado Nuuca Qumaatiga u kaca ee Helicobter –ka.

Howlgalkan oo saakay xili aroor hore ah bilowday ayaa ilaa xiligan kasoconaya Xaafada Xamar Jadiid iyo Xaafadaha ku dhaw dhaw ,Ciidamada ayaana guryaha dhamaan galaya iyaga oo halkaasi ka baadi goobaya xubno katirsan Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa oo halkaasi lagu tuhmaypo.

Dhaq dhaqaaqa Xaafada Xamar Jadiid iyo Xaafadaha kale ee u dhaw dhaw ayaa sakay ah mid aysan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin waxaana wali wadooyinka xaafadahaasi kusugan Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa AMISOM oo howlgalka wali kawada halkaasi.

Wadooyinka Xaafadahaasi ayaana lagu arkayaa Taangiyada iyo Gawaarida kale ee Ciidanka ee inta badan Isticmaalaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida ,waxaana dhinaca hawada ka taageeraya Diyaarad Nuuca Helicobter-ka .

Howlgalkan ayaana Noqonaya kii ugu Balaarnaa ee laga sameeyo Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho , walina lama shaacin in lagu soo qabtay Howlgakan Saraakiisha la tuhmayo in Al-Shabaab katirsanyihiin ee baadi goobka loogu jiro.

Dhoor Habeen kahor ayaa howlgal nuucaan ah ee ka qeyb qaadanayeen Diyaardaha Qumaatiga u kaca iyo Gawaarida Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM waxa ee ka sameeyeen Xaafad kamid ah Degmada Hodan halkaas oo la sheegay in ee ku qabteen Nin la tuhmayo in uu yahay Sargaal Al-Shabaab katirsan iyo Xaaskiisa.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada