Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Semi-finalka Champions League Ee Bayern Munich v Barcelona.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Semi-finalka Champions League Ee Bayern Munich v Barcelona.

daajis.com:-Kulanka: Bayern Munich v Barcelona
Garoonka: Allainz Arena
Garsoore: Viktor Kassai‎
Waqtiga: 9:45 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
Waxaa caawa bilaabanaya semi-finalka koobka ugu xiisaha badan kubada cagta adduunka ee Champions League iyadoo lugta hore ee semi-finalka ee kulanka ugu soo horeeya ay Allainz Arena ku dhexmari doonto kooxaha ku kala guuleystay Champions League 4ta jeer ee Bayern Munich iyo Barcelona.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Bayern Munich: Neuer; Lahm, Buyten, Dante,  Alaba; Martínez,  Schweinsteiger; Robben, Müller, Ribéry; Gómez
Barcelona:  Valdés; Alves, Piqué, Bartra, Alba; Xavi, Busquets, Iniesta; Pedro, Messi, Sánchez
Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Mario Mandzukic ayaa seegi doona kulanka caawa ee Champions League ay la ciyaarayaan Barcelona isagoo ganaax ku maqan.
Philippe Lahm, Javi Martinez iyo Bastian Schweinsteiger ayaa dhamaantood la filayaa inay ku soo laabtaan line-upka kooxda ka db markii la nasasiiyay kulankii ay sabtidii 6-1 kaga badiyeen Hannover, laakiin ciyaaryahanada dhaawaca mudada dheer ku maqan Toni Kroos iyo Holger Badstuber ayaa ka maqnaan doona.
Lionel Messi ayaa isna niyad dhis fiican siiyay Barcelona ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda isagoo seegay labadii kulan ee u danbeysay, laakiin ilaa iyo haatan si cad looma cadeyn inuu ku soo bilaaban karo kulanka caawa iyo in kale.
Daafacyada Carles Puyol iyo Mascherano ayaa dhaawac ku maqan, halka Adriano uu ganaax yahay, sidaasi darteed da’ yarka Marc Bartra ayay u badan tahay inuu daafac dhexe kala ciyaaro Gerard Pique.

MA OGTAHAY?
  • Bayern Munich ayaa badisay 18 kulan oo ka mid ah 19kii kulan ee u danbeysay tartamada oo dhan, guuldaradooda kaliya waa kulankii Arsenal ee lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.
  • Bayern Munich ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 20kii kulan ee ugu danbeysay ee ay koox Isbaanish ah soo dhaweyso, 14 kulan waa ay badisay halka 5 kulan ay barbaro galeen.
  • Bayern ayaa badisay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay Barcelona kula kulmaan tartan Yurub ah, labo kulan barbaro ayay galeen halka hal kulan laga badiyay.
  • Barcelona ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan, afar kulan barbaro ayay galeen halka labo kulan laga badiyay.
  • Bluagrana ayaa sideed kulan oo isku xigta looga badinin carada Jarmalka taasoo soo jiitameysay tan iyo 2001dii. Rikoorkooda guud ee carada Jarmalka waa sagaal guul, 10 barbaro iyo shan guuldarro.
  • Xavi ayaa dhameystiray 1,005 baas Champions League xilli ciyaareedkan, waana 470 baas in ka badan ciyaaryahan kasta, isagoo saxay 88 boqolkiiba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada