Warar hor dhac ah oo sheegaya Ciise Dheere inuu watay Ragii isku Qarxiyay xarunta maxkamada Banaadir+Hadal heeynta ugu badan Muqdisho

Warar hor dhac ah oo sheegaya Ciise Dheere inuu watay Ragii isku Qarxiyay xarunta maxkamada Banaadir+Hadal heeynta ugu badan Muqdisho

daajis.com:-Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaar ka mid ah Laamaha Sirdoonka hay´adaha Dawlada iyo Shacab kale oo aqoonsaday Raqda qaar ka mid ah ragii ku halaagsamay maalintii Axada eheed maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in uu watay Maleeshiyaadkii Shabaab ee halkaas ku dhintay ninka lagu magacaabo Ciise Dheere oo Suuqa Bakaaraha caan ka ahaa.

Ciise Dheere oo qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha u aqoon jireen xiligii Al Shabaab halkaas maamuli jireen (Ciise Lugeey) waxa uu ahaa shaqsi xarakada Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka Caanshuuraha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeeybta Bacadlaha dharka nuucyadiisa kala duwan.

Ciise Dheere (Ciise Lugeey) oo xiligii Maxaakiimta ka hor ka ganacsan jiray ama caan ku ahaa Dharka laga keeno dalka Sucuudi Carabiya ee Soomaalidu u taqaan (Huudheeyda) waxa uu ina adeer Laxmi ah la ahaa Sheikh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansur) oo iminka ka tirsan raga ugu sareeya xarakada Al Shabaab ee waliba madaxooda lagu doonayo Malaayiinta Dollar.

Ciise dheere oo ka dhutin jiray Lugta Midig waxa uu xiliyadii dambe ee uu Al Shabaab la shaqeeyn jiray la baxay magac cusub kaas oo ahaa (Abu Ayuub) .Ninkaan oo la qaxay Maleeshiyaadka Al Shabaab markii xamar laga saaray waxa uu mudo badan ku sugnaa Ceelasha Biyaha ka dibna markii dad ugu war dambeeysay waxa uu ka mid ahaa ragii deegaanka Buur Hakaba u baxsaday markii Al Shabaab Ceelasha Biyaha iyo Afgooye laga qabsaday.

Dadka Ciise Dheere (Ciise Lugeey) sida weeyn u yaqaana waxa ay sheegeen in uusan wax Qibrad ciidan ah leheen balse aad u jeclaan jiray in uu Hogaamiye ciidan noqdo kaas oo ay u sii dheereed inuu dadka ugu jeclaa qofkii ugu yeero (Abu Ayuub) . 

Laamaha Dawlada oo baaris dheer weli wada qaarkood ma aaminsana in Meeydadka la hayo uu ku jiro Ciise Dheere maxaa yeelay xubnaha jirkiisa weli qaar ayaa maqan in kastoo Shacab aqoonsaday ay Sirdoonka Dawlada ku wargaliyaan muuqaalka Ciise Dheere inuu yahay ninkaas .

Hadal heeynta ugu badan magaalada Muqdisho ayaa noqotay maalmahaan dambe dadka Isku Qarxiya gudaha magaalada Muqdisho oo noqday kuwo raqdooda la aqoonsan waayay oo ka soo haajiray gobolo fog fog kuwaas oo intooda badan lagu sheegay dhalinyaro yar yar oo hadane aanan aheeyn Reer magaal ama qof wax fahmi kara.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada