Tartan Codkaada Tijaabi ah oo dhaxmaray Labada Actar Shahrukh Khan iyo Aamir Khan

Tartan Codkaada Tijaabi ah oo dhaxmaray Labada Actar Shahrukh Khan iyo Aamir Khan

daajis.com:-Labada Actar ee Bollywoodka Hindiya Shahrukhan iyo Aamir khan ayaa tartan codkaada tijaabi ah waxa uu qabtay Chanal Local ah oo ka howlgala Magaalada Mumbia ee Dalka hindiya .

Actarka Aamir khan iyo shahrukhan oo markii ugu horaysay tartan nuucaan ah ku kulma aya tartankoodaa waxa uu yimid kidib markii labadooda ka qayb galayeen barnaamij madadaalo ah oo Fanaaniinta sedaxdii bilood mar loo qabto .

Actarka Aamir khan oo makaroofanka ku hormaray ayaa ku bilaabay in uu tageerayaashiisa ugu talagalay in ay arkaan codkiisa maadama aysan ku aqoon in uu heesaa uu yahay ee Actar Filimaanta soo jila u yaqaanaan waxa uuna halkaa ka qaaday hal hees oo dad badan madaxa u ruxeen .

Actarka Sharukhan oo ahaa mid ilka cadaynayay markii Aamir khan hesayay ayaa yiri asna waxaan u sheegayaa taageerayaashayda in aan ahay heesaa oo aan xirfadayda ahayn oo kaliya jilida Aflaanta .

Waxa uuna halkaa ka qaaday laba heesood oo ahaa jacayl waxana hal mar is qabsaday sawaxan iyo qaylo dhaan tageerayaashiisa samaynayeen kuwaa oo ku dhawaaqayay Magaca Actarkaa .

Barnaamijkaa oo ahaa mid si toos ah u baxayay ayaa si wayn looga dawanayay Magaalada Mumbai iyo guud ahaan Dalka oo Tviya kale ka baahinayeen waxana uu barnaamijkaa noqday midkii ugu xiisa badnaa in muda ah .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada