YAABDII DUNIDA HAWEENEEY XADAY 17KUN OO DOLLAR IYADOO KUQARISAY NAASAHA SI AY U DHAHDO WAXANI WAA NAASAHAYGA,,,LAYAAB

YAABDII DUNIDA HAWEENEEY XADAY 17KUN OO DOLLAR IYADOO KUQARISAY NAASAHA SI AY U DHAHDO WAXANI WAA NAASAHAYGA,,,LAYAAB

daajis.com:-Haweeneey Mareykanka u dhalatay ayaa Goob ay ka shaqaynaysay waxay ka xaday 170 Kun oo Dollar, iyadoo Lacagtaas qayb ka mid ahna ku samaysatay Qaliin ay Naasaha ama Horaadka ku waynaysanaysay. Sidaasina waxaa lagasoo xigtay Wargeys Dalkaas kasoo baxa.

ciidanka Booliska ayaa qabtay Gabadhan oo lagu magacaabo Stevani Larisky (37 jir), taas oo ku nooleyd Florida.

Waxaa cadaatay inay Gabadhu xaday Lacagta, dabadeedna Booliska ayaa Gacanta kusoo dhigay sida Wararka lagu sheegay.

sidoo kale Ninka leh Goobta Lacagta laga qaatay oo Gabadhuna ay ka shaqaynaysay ayaa Booliska Dacwad ka dhan ah Gabadhan u gudbiyay, ka gadaal markii uu waayay Lacagtiisii.

dhanka akle Wuxuu Ninkan xusay inay Gabadhu u sheegtay in Lacagta ay iyada qaadatay si ay isaga bixiso Qarash ay ku gashay Furiinkeeda, iyadoo xaqiijisay inay doonayso soo celinta Lacagtaas.

Laakin markii uu Ninku u sheegay inuu arrintan Booliska u gudbinayo ayeey Gabadhii baxsatay.

Booliska ayaa baadi goobay oo soo baxsaday Warbixinadii Bangiga ee ay Gabadhu lahayd, iyo Documentyo kale oo Lacageed oo Gurigeeda yiilay.

Baaritaanada Boolisku waxay ku ogaadeen in Lacaga ay Gabadhu xaday ay gaarayso 169 Kun iyo 823 Dollar.

Warbixinta Booliska waxaa kale oo lagu ogaaday in Lacagtaas ay Gabadhu kasoo iibsatay Alaab cusub oo ay Guriga dhiagtay, halka ku dhawaad 7 Kun oo Dollar-na ay ku gashay Qaliin ay Naasaha ama Horaadka ku waynaysatay sida Warka lagu sheegay.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada