Ka Dib Markii Uu Soo Islaamay : Soo Saarihii Filim-kii Lagu Aflagaadeeyay Nabi Maxamed CSW Oo Saaraya Mid Uu Ku Difaacayo.

Ka Dib Markii Uu Soo Islaamay : Soo Saarihii Filim-kii Lagu Aflagaadeeyay Nabi Maxamed CSW Oo Saaraya Mid Uu Ku Difaacayo.

daajis.com:-Ernaud Van Dorn oo ah siyaasi caan ah kana tirsanaa xisbiga xoriyyda dalka Holland isla markaana ka mid ahaa dadka sida weyn uga qeyb qaatay filim-kii xumaa ee wax looga sheekeyay Nabigeena Maxamed CSW ayaa shaaca ka qaaday ka dib soo islaamidiisa in uu soo saarayo filim uu ku difaacayo sumacadda rasuulkeena CSW .

Wargeyska Cukaz ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoraya in Ernaud Van Dorn oo booqanaya magaalooyinka barakeysan ee Maka Al-mukarah iyo Madina uu la kulmay wadaada masjidka barakeyska ee xarameynka.
Imamaamka Masjidka Xarameyn-ka Sheekh Cabdi Raxmaan Sudeys ayaa amaanay talaabada Ernaud Van Dorn isaga oo sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay islaamka , waxa uuna Ernaud Van Dorn uu siiyay hadiyad ah kitaabka qur`aanka kariimka iyo kutubo kale oo luqada Ingiriiska ku qoran , iyadoo Ernaud Van Dorn uu cimreysanayo tan iyo markii uu shaaciyay in uu qaatay diinta islaamka .
Ernaud Van Dorn siyaasigaan dhawaan qaatay diinta islaamka ayaa sheegay in uu qorshenayo fikir ah soo saarista filim lagu soo qaadanayo akhlaaqda wanaagsan ee nabi Maxamed CSW , iyadoo Ernaud Van Dorn uu oohinta iska celin waayay markii uu booqday qabriga nabiga CSW markiisii ugu horeeysay .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada