Allaha Unaxariistee Fanaanka Cismaan Gacanlow Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco

Allaha Unaxariistee Fanaanka Cismaan Gacanlow Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Burco ku geeriyooday Cismaan Maxamed Cabdikariin (Cismaan Gacanlow)oo ka mid ahaa Hobaladii Fanka ee Somalia waqtigii ka horeeyay dagaalka sokeeye.


Geerida Fanaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar eheladiisa ka mid ah. Wuxuuna maanta oo taariikhdu tahay 25/4/ 2013 ku geeriyooday Magaalada Burco oo mudooyinkaan ku xanuunsana Fanaanka .

Fanaaniin ka mid ahaan jirtay Hobaladii Waaberi ee Fanka Soomaalia tiirka u ahayd ayaa waxay ka hadleen geerida Cismaan Maxamed Cabdikariin (Cismaan Gacanlow), iyagoo ku sheegay inuu Fanaanku ahaa mid ka mida dadkii qiimaha wayn ku dhex lahaa Fanka xilligii uu kusoo jiray iyo waqtigan la joogaba.

Fanaanka waxaa lagu aasayaa Magaalada Burco . Waxaana la filayaa inay Fanaaniin, Abwaanno, dad waxgarad ah iyo inta isaga jecelba ay Aaskiisa iyo Tacsidiisaba ka qayb qaataan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada