Qiso Xiiso Leh : Go`aankii Waalidka Iyo Guurkii Qasabka Ahaa.

Qiso Xiiso Leh : Go`aankii Waalidka Iyo Guurkii Qasabka Ahaa.

daajis.com:-Salaamulaahi caleykum dhamaan saaxiibada qiimaha badan meel kasta oo aad dunida kaga nooshahiinba waxaan idin wada leeyahay ku soo dhawaada barnaamijkii todobaalaha ahaa ee “QiSo Gaaban”.

Hadii Allaha awooda sare leh ka raali noqdo isbuucaan waxaan barnaamijkeena ku lafa guri doonaa Qiso dareen gaara wadata oo loogu magac darey “Go,aankii Waalidka Iyo Guurkii Qasabka Ahaa” Hadaba aqriste waxaan is weydiin mudan oo aan hubaa inaad is leedahay diiwaankaan maxaa ka danbeyn doona.

“Dhaxalka Qisada Gabar Soomaaliyeed Oo Magaceeda Ku Soo Koobtey Hibba” Ka Bogosho WaCan”

Hibba oo ka mid aheed dhalaanka haatan soo hana qaadey wali uma aaysan banaan baxin haasaawe iyo dareen gaar ugu ahaa jaceyl, ilaa yaraanteedii oo aay dhagaha ka maqli jirtay mooyaane, xili subaxnimo oo uu jirey, Da,aayey mayaay subax, waxa aay isku aragtey xanuun kadis ahaa iyo jajab buux yeeley jirkeeda kolkii aay sii tix raacdey halka uu salka ku haayo xanuunkeeduna oo aay weydiisey hooyadeed macaan waxaa loo sheegey in aay baaluqdey oo aay kaamishey waqtigii aay noqon laheed oori rageed oo reer u gaar ah yeelan karto, taasina waxa aay hibo ku beertey in aay noqoto gashaanti iyo gabdhaha gayiga usoo baxay 3bilood markii laga joogo waqtigii aay noqotey qaan gaarka hiba waxa aay aragtey socod iyo wada hadal joogto ah ayadana ka dhan ahaa, una dhaxeeyey odey daahir oo ahaa hiba aabaheed iyo faarax oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan deegaankii la daganaa, waxa aayna ahaayeen kuwa ka showra sidii inanta hibbo ah loogu dhisi lahaa qoys u gaar ah, hadal iyo wada fadhi badan ka dib odey daahir oo ahaa aabaha hibba waxa uu inantiisa siiye oday faarax oo aay ahaanyeen saaxiibo soo wada marey waqti iyo waayo fara badan.

Go,aankaas oo u gaar ahaa labadooda ka dib xili galabnimo oo aaysan hiba joogin guriga waxaa isku yimid hooyo xaawo oo iyana aheed hooyada hibba iyo aabe daahir, waxa uuna u sheegey go,aankii bareerka ahaa ee uu gaarey iyo in gabadhiisii hibba uu siiyey odey faarax asagoo usu haystey inuu la heley guul gabadhiisa.

Waqtiga oo gayiga soomaaliyeed gaar ahaana qoysku looga badan qeylo iyo muran hooyo xaawo wax su,aal ah kuma aaysan soo celin zeygeedi oo waa aay ka aamustey asagoo taasi u macneeystey in ay aqbashay oo yeeshey waxuuna intaa ku daray in aan go,aankaan loo sheegin hibba ilaa wax kasta diyaan ka noqonayaan.

Maxa yeeley haatan waxaa sii daba yaaqa ah oo dhamaanaya jiilaalkii iyo abaartii waxaana loo wada hanaqal taagayaa curashada roobka iyo waqtiyadii aaranka, waana goorta lagu balamay in hiba loo dhiso odey faarax.

Wax mooge Allow ha cadaabine hibba waxaa iska masaakiin oo waxa aay ka badin la dahay u shaqeynta iyo dadaalka joogtada ah ee reerka, taasina waaba waxa u sahley in odey faarax gabadhaan ka hari waayo maxaa yeeley waqtiyadii hore ee nolosha soomaalida dumarka waxyaabaha ugu badan ee lagu dooran jirey waxa aay aheed howl karnimo,fir fircooni iyo hadba kaalinta aay ka qaadan karto nolosha joogtada ah ee miyaga.

Haatan oo si rasmi ah loo guda galay barwaaqadii waxa olo olo buuran loogu jiraa sidii hibba loogu aqal geyn lahaa odey faarax, qorshahaan oo gaar ahaa aabe daahir,waxa uu doonayaa inuu ku firaariyo dhamaan qoyska reer daahir gaar ahaana wiilasha ka weyn iyo kuwii ka yaraa hibba, waloow wax gabar ahba aabe daahir ka dhalay hibba ayadaba uusan ugu golol xaarin mustaqbal aay u qalantey ama muteeysatay intaba.

Hal hal ayuu ula kulmey ubadkiisii una wada sheegey go,aanka guracan uu gaarey dhamaantood marka laga reebo hibo oo ayada lagu yahay duulaan, mid kastaahi farxad ama murugba wuu aamusey oo waxa uu yeley hadalka aabe, kadibna habeen habeenada ka mid ah ayaa reer daahir isu wada yimaadeen oo hibba loo sheegey in la siisey odey faarax oo aay garaneysay aqoon buuxdana u laheed waxaana horey iyo gadaal laga dhigey “Habaar Ama Duco” ayadoo ku qasbaneed in ay qaadato duacada waalidka si inta badanba dhacdo.

Hibba oo dhabanadeedu dooriyeen illin iyo murugo hada u biloow aheed ayaa duurka iyo geedaha la aadi jirtay, cid kastaahi oo qosyka ka mid ahina kama aaysan hadli akrin oo waxa go,aan gaarey waa hogaankii reerka aabe daahir, waqti kooban kadibna waxaa hibba loo galbiyey guri gaar ahna loo geeyey odey faarax.

Waa hubaal in dareenkaasi ahaa guul daro baaxad leh iyo murugo biloow ah oo gayiga soomaaliyeed ku cusbeen waayo in badan oo la mid ah hibba ayaa kaga horeeyey haatana kula jiro ugana danbeyn doono.

Waxa aas aasmey gurigii lagu dhisey xooga iyo xushmad la,aanta waxaana had iyo jeer indhahii arkaa aay la murugoodaan nolosha dhab ahaan aay ku jirto hibba ayadoo har iyo habeena la daras ah wal wal iyo ciqaab aan biloow iyo dhamaad aheyn, halkaana waxaa xoog iyo xarig looga dhalay da,aadeedi ugu horeeysey ayado ku curatay wiil aad loogu farxay, laakin hooyo hibba farxadeedu had iyo jeer waa qabyo iyo kale qubnaan.

Noloshii dayaca aheed iyo dareenkii joogtada ahaaba hibba kama baxin oo mar kasta waxa aay dagaal iyo dirir kula jirtaa waa odey faarax oo ahaa seygeeda,asaguna dulqaadkii uu lahaa wuu ka dhaamdey oo hada waxuu ku haaya dil joogta ah, markii aay kasoo carartana sida caadada ah waa loo keena oo loo soo celiya.

“IsbuuCaan Intaas Ha Inoo Joogto Qeybtii 1aad Ee Qisada Waa Inoo IsbuuCa Dane Iyo Anaga Oo Idiin Kaamilo Doono Qisadii Hibba Hadii Alle Idmo Intii Ka Horeeysa Waa WaaSuge Oo Idin Nabad Galyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada