Yaya Toure Oo Qarka U Saaran In Hishiis Cusub U Saxiixo Kooxda Man City

Yaya Toure Oo Qarka U Saaran In Hishiis Cusub U Saxiixo Kooxda Man City

daajis.com:-Warbixino ay qorayaan saxaafada Ingiriiska ayaa sheegaya in laacibka qadka dhexe ee kooxda Man City Yaya Toure uu qarka u saaran yahay in hishiis cusub uu u saxiixo kooxda maalmaha soo socda .

Waxa ay wararkaan xaqiijinayaan in in qiimaha hishiiskaas cusub ee Yaya Tour uu gaarayo 45 milyan oo gini afrta sano ee soo socota .

Yaya Toure ayaa shaaciyay in uu ogalaaday in uu saxiixo hishiskaas sida ay tilmaamayaan ilo wareedyadaas oo xusay in asbuucii uu mushaar ahaan u qaadanayo 220 kun oo lacagta giniga ah .
Laacibkaan 29-sano jirka ayaa wadahadalo la furay mas`uuliyiinta Man City tan iyo markii uu ka soo laabtay ciyaaraah qaramada Africa xilligaas oo ay soo baxeen warar si weyn u tilmaamayay in uu ka tagayo kooxda Man City.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada