Inkastoo ay aad u wangasan tahay lamanaha in ay si xariiftinimo ah wax iskugu shegtaan ayaa hadane waxa jira…..

Inkastoo ay aad u wangasan tahay lamanaha in ay si xariiftinimo ah wax iskugu shegtaan ayaa hadane waxa jira…..

daajis.com:-Inkastoo ay wax wanagsan tahay in labada lamaane ay isku sir ahaadaan hadana waxaa haboon gabaryaheey kuma dhaheyno qiyaanooley noqo oo waxaa jira wax yaabo qaarkood oo ay haboon tahay in aadan ninkaada ku dhihin.

* Wax Yaabo Xun Oo Aad Isaga Ka Maqashay : ma wanaagsana in uu ka maqlo xanta iyo wax yaabaha xun ee isaga gadaashiis laga sheegayo ha ahaadaan asxaabtiisa ama qoyskiisa , wax qasbaya ma jiraan in aad dhaawacdid dareemihiisa tanina waxa ay saameyn kartaa xariirkiina ee gabaryaheey ka fogoow .

* Wax Yaabo Uusan Awoodin In Uu Badalo : dhaleeceynta wanaagsan waa mid faa`ido u leh xariirka balse hadii dhaleeceynta noqoto mid ku aadan wax uusan badali karin sida Bidaarta , dhirarkiisa , marka gabaryaheey dhaleeceynta noocaas ah iska ilaali.

* Sirta Gabdhaha Aad Saaxibada la Tahay : in haweenka ay qariyaan sirta saaxibadooda ay tahay arin adag hadana isku day in aad xafido oo aadan ninkaada u sheegin sirtaas , ogaaw raga qaarkood wax qarinta waa dhibeeysa durbo waxaad arkeysaa warkii oo saaxibtaada gaaray .

* In Aadan Jecleyn Qoyskiisa : Ma Jeclid qoyskiisa , balse ha sameyn waligaa in hortiisa si qaldan wax uga sheegto , suura gal in xitaa isaga dhankiisa uusan ku wanaagsaneyn qoyskaada hadana wax kama sheego isaga oo tix gilinaya dareemahaada, hadii ay dhacdo in si xun ay kuula dhaqmayaan qoyskiisa la tasho isaga qaabka aad ula tacaamuleysid maxaa yeelay isaga ayaa in badan kaaga aqoon badan , xooga saaar sidii aad arimahaas dhex dhaxaad uga ahaan laheyd .

* In Aad La Tacajubsan Tahay Qof Kale : waxaa suura gal ah in aad ka hesho qaabka codka fanaan ama jilaa , siyaasi ama wariye caan oo ku aadan xitaa qaab dhismeedkooda hadaba gabaryaheey aan xariifadda aheyn shabakada arimaha qoyska daajis waxa ay ke leedahay walgaa hortiisa arimahaas haku sheegin oo ma haboona waayo kalgaceylkiisa ayaad ku weyneysaa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada