Lamaanaha Mursal Muuse iyo Khadra Silimo oo beeniyay in ay kala tageen + Video

Lamaanaha Mursal Muuse iyo Khadra Silimo oo beeniyay in ay kala tageen + Video

daajis.com:-Xili mudooyinkii u danbeeyay aad loo hadal hayay warar la xariira in ay kala tageen Labada Fanaan ee Lamaanaha ah Mursal Muse iyo Xaaskiisa khadra Silimo oo ku nool Magaalada Hargeesa Xarunta Mamulka Somaliland, hayeeshee arintaa ayay si wada jir ah u beeniyay Labadaa Fanaan .

Waraysi si wada jir ah looga qaaday Labadaa Fanaan ayay ku sheegeen in wararkaa la xariira in ay kala tageen waxba ka jirin oo been abuur ay yihiin, waxa ayna soo Bandhigeen jacaylka ka dhaxeeya heerka uu gaarsan yahay , iyadoo la arkayay in ay isla goobtaa gacamaha isku qabsanayeen. .


Musigiistaha caanka ah Ahmed Wali Furinle oo saxibkiisa gaarka ah iyo xaaskiisa Asma Love oo ku garabsiinayay jacaylka Labadaa Lamaane, ayaa goobtaa ku soo bandhigay heeso ay ku dhiirigalinayaan, waxa ayna Labadaa Lamaane ay iyaguna halkaa ku soo bandhigeen heeso jacayl ah oo ay isku qadayaan midba midka kale .


Labada Fanaan ee Lamanaha ah ayaa ka wada tirsanaa Kooxda wadani Star ee ka dhisan Maagaalada Jig jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, hayeeshee Labadaa Fanaan iyo labada lamane ahmed wali furinle iyo xaaskiisa Asma love ayaa mudiiyinkaan ku sugnaa Magaalada Hargesa .


Beeninta in khadro iyo Mursal kala tageen, ayaa ku soo aadaysa xili Websityada lugu baahiyay in Labada Lamaane is daayeen, kidib markii uu khilaaf soo kala dhaxgalay hayeeshee waxaa rasmi ahaan loo xaqiijin Karin in uu jiray khilaaf xal labadooda ugu danbayntii ka gaareen iyo in kale .


Ma ahan markii ugu horaysay ee Taleefishin Waraysi ka qaado Fanaaniintan laakiin waraysigaa ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore kana xiisa badan madaama ay labada Fanaan ka hadlayeen arima xaasaasi ah oo mudooyinkaa isha lugu wada hayay waana markii ugu horaysay ee arintaan ka wada hadlaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada