Aah ..Hadii Aan Awoodi Lahaa In Aaan Ku Iraahdo Waan Ku Jeclahay Waxa Ay Ii Ahaan Laheyd Maalinta Aduunka Iigu Wanaagsan

Aah ..Hadii Aan Awoodi Lahaa In Aaan Ku Iraahdo Waan Ku Jeclahay Waxa Ay Ii Ahaan Laheyd Maalinta Aduunka Iigu Wanaagsan

daajis.com:-* Aah .. Hadii Aan Awoodi Lahaa In Aaan Ku Iraahdo Waan Ku Jeclahay Waxa Ay Ii Ahaan Laheyd Maalinta Aduunka Iigu Wanaagsan,hadii aad iga ogolaato inaan beerno ubixii jaceylka waxaa loo aqoonsan lahaa maalin ay mucaashiqiinta Soomaalida xusaan.

Wa ay igu adag tahay xabiibi inaad ahaato qof ii dhow hadana aad iiga fog ,ma qarin karo waxa qalbigeyga gubay ee hurdadii iga qaaday, Dadku waxey igu yiraahdaan dhiirigeli naftaada oo usheeg xaalada aad ku sugan tahay,daajis,laakin waxaan ka cabsadaa inaan waayo wejiga iyo wanaaga aad hada ii heyso,laga yaabee iney ii fiican tahay inaan mar walbo hortaada saaxiib wanaagsan oo garabkaaga taagan ahaado .

* Sikastoo aan isaga indho tiro jaceylkaaga wuxuu igu qasbayaa inaan ka soo saaro sanduuqa aan ku qariyay si caalamka oo dhan u ogaadaan inaad habeen iyo maalin deris la tahay nolosheyda.
* Inkastoo ay inoo dhexeeyaan Masaafooyinka gaagaaban hadana cidina ma horjoogsan karto calaamadaha caashaqa ee xishoodka siyaadiya islamarkaana dadku isku xantaan.
* Waxaan kaala hadlaa aragtida iyo qalbiga, waxaana dhisaa mustaqbal aad u balaaran oo adiga aad boqorkeeda tahay.
* Iisheeg ereyo aanan weli dhihin, I tus ilmo aadan weligaa daadin, ii balanqaad xusuus qalbiyadeena ku waarta,ama wey libdheen maalmihii xiisahaha iyo xanuunka.

* Waa adag tahay in Ilimada lagu celiyo indhaha si loo muujiyo dhoolacadeyn been ah,weli waan sameeyaa aniga waayo ma rabo iney dadku ogaadan sababta ka dambeysa illinteyda.
* Si qoto dheer ayuu ii dhaawacay,beena iigu sheegay kama fekero jaceylka waxaan u sheegaa nafteyda runta maalinwalbo,laakin ma rabo inaan aamino xaqiiqdaas, waan ka cafiyaa qaladaadka uu iigeysto,sababtoo ah waan jeclahay nafteydaa ku qanacsan waana ahaan doonaa weligey.
* Kumanaan ayaa laga yaabaa iney i daba cararayaan,laakin haduu idiido xitaa kama rajo dhigi karo qofkaan waayo waa asaga dartiis waxaan nolosha u jeclahay.
* Kuma dhaco inaan u dulqaato hadii aan arko isagoo qof kale indho naxariis ah ku eegaya waxey ila noqoneysaa in qeyb ka mid ah jirkeygu go’ay , daajis,Hisaasuhu wuxuu kariyaa dhiigeyga mana ka baxaan sawirkaas maskaxdeydaa.
*Ma rabo inaan si fudud qalbiga uga saaro illeen isma xukumo aniga.waxaan u halgamaa sidii aan ku soo dhaweysan lahaa waxaan meel iska dhigay cillad kasto oo ay dadka kugu tilmaamaan mana iga muuqato dunidan hal qof maahee waana adiga qofkaas.
* Aniga markaan ku dhahaayo waan ku jeclahay kaama hagranaayo inaan kuu soo bandhigo waxaan dareemaayo, adigana waxaad iigu jawaabtay waan kaa ogolaaday gadaal ha uga laaban, si fiican u dhageyso fariimaha waa mid aan qof kale nasiib u yeelan inuu helo.
* Markii uu iga dhamaaday dulqaadkii wuxuu i weydiin jiray xalka arinteena,wuxuuna igu yiri waxa ugu wanaagsan ee nolosheena waa wadajirkeenii.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada