Madaxweyne ku X/Kenya Ruto “Qaxootiga Somaliyeed waa in ay dalkooda kulaabtaan.

Madaxweyne ku X/Kenya Ruto “Qaxootiga Somaliyeed waa in ay dalkooda kulaabtaan.

daajis.com:-Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa qaxootiga iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalkiisa ugu baaqay in dalkooda hooyo ay dib ugu laabtaan si ay ugu qeyb qaataan dib udhiska iyo hormarinta Somaliya.

Ruto ayaa wada qura ee dadka Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu dhisi karaan ku sheegay in ay qurbaha ka tagaan oo ay uguuraan dhulkooda Xilli uu ka hadlaayay shirka ka socda Yokohama ee looga hadlaayo arimaha Soomaaliya.

“Inkstoo ay Soomaaliya ay ubaahantahay Caawinaad buuxda oo ay siiyaan wadamada caalamka hadana shacabka Soomaalida ah waxaa uu waajib ballaran ka saaranyahay dib udhiska iyo xasilooni kusoo dabaalida dalkooda” sidaas waxaa shirka Yokohama ka yiri William Ruto.

Maadxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Kenya ay wado dadaalo dib loogu celinayaao qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan iyadoona arrimahan dib ucelinta qaxootiga ay wada kala leedahay Dowlada Soomaaliya iyo hey’ada qaramada midoobe uqaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa Nairobi ka dhici doona shir looga hadlaayo sidii qaxootiga Soomaalida ah dib dalkooda loogu celin lahaa,waxaan codsan doonaa caawinaad ku adaan dib ucelinta qaxootiga si qorshaan loogu guulesyato” Waxaa sidaas markale yiri Mr Ruto.

Willian Ruto ayaa intaas ku daray in Kenya ay door lixaad leh ka ciyaartay la dagaalanka Xarakada Al sahbaab,sugidda amaanka qeybo ka mid ah Soomaaliya isagoona intaas raaciyay in dowladiisu ay tababar u fidisay labo kun iyo shan boqol askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Tanzaniya Kikwete oo isna ku sugan dalka Japan ayaa qeexay in amaanka wadamada Bariga Afrika ay wanaagsanaan karaan oo kalii ah hadii Soomaaliya ay nabad noqoto dowladana ay ku guuleysto sugida amaanka dalka.

Madaxweynaha Tanzaaniya ayaa sidookale sheegay in argagixisada ay qatar badan ku heyso wadamada Afrika gaar ahaan Soomaaliya sidaas darteedna wadamad caalamka looga baahanyahay in dowlada Soomaaliya ay gacan ka siiyaan sidi ay ugu guuleysan lahayd kooxaha diidan jiritaankeeda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada