Daawo Sawirada kulankii sedaxaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu shir-gudoon ka noqnayo oo la’iclaamiyay.

Daawo Sawirada kulankii sedaxaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu shir-gudoon ka noqnayo oo la’iclaamiyay.

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalaya shirka TICAD V ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa waxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, Madaxa Bankiga Adduunka, Madaxa UNICEF, iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa maanta magaalada Yokohama ka furmay shirkii caalamiga ahaa ee TICAD kiisa shanaad oo ay madaxda dalalka Africa uga qeybgalayeen. Shirkan ayaa Dowladda Japan 5tii sanaba mar u qabata dalalka Africa iyadoo lagu xoojinayo xiriirka Africa iyo Japan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Kenya Willaim Ruto oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha qaxootiga, Kismaayo, iyo arrimaha amniga. 

Labada mas’uul ayaa si wanaagsan isagu afgartay dhammaan arrimihii ay ka wada hadleen iskuna raacay in shir caalami ah lagu qabto Nairobi oo ay labada dowladood iyo Qaramada Midoobey wada shir guddoominayaan iyadoo looga hadlayo sidii Soomaalida qaxootiga ku jooga Kenya ay dalkoodii hooyo dib ugu soo laaban lahaayeen iyadoo Qaramada Midoobey laga sugayo inay qaxootigaas nolol wanaagsan ugu sameeyaan dalka gudihiisa. 

Labada mas’uul waxey ka wada hadleen oo kale arrimaha Kismaayo oo labada Wasiir Arrimo Dibedeed ay Nairobi ku hareen si ay isula meel dhigaan arrimaha amniga xuduudaha.

Labada Wasiir (Fowzia iyo Amina) ayaa maanta shir jar’aaid ku wada qabtay Nairobi soona bandhigay in labada dowladood ay isku raaceen in guddi wadajir ah ay ka wada shaqeeyaan sidii arrimaha amniga xuduudaha xal waara loogu heli lahaa iyo soo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxaana la rajeynayaa in labada madaxweyne ay dhowaan kulmaan si loo sii ambaqaado kulamadoodi hore ee Addis Ababa iyo Mombasa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar a la yeeshay madaxa Bankiga Aduunka Jim Yong Kim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii Bankiga Adduunka uu Soomaaliya uga saacidi lahaa maamulka iyo maareynta maaliyadda, sidii Somalia deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan mashaariic horumarineed oo uu bankiga Adduunka hirgeliyo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada