Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho

daajis.com:- Ciidamadan ayaa waxa ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in ciidamadan ay u gudbaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Askartan ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin ciidamo gaaraya siddeed boqol oo askari oo la qorsheynayo in la dejiyo gobolka Jubbada Hoose. Hore ayaa ciidamo ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxaa ay u joogeen magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Ciidamadan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho iyadoo ay illaa haatan la joogaan ciidamada kale ee ka socda AMISOM.

Illaa iyo hadda lama oga in ciidamadan ay bedeli doonaan ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo hore ay xildhibaano ka tirsan dowlada ay cabasho uga keeneen ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Dowladda Sierra Leone ayaa qeyb ka ah wadamada Afrika ee ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya waxaana ay kala yihiin ciidamado ka socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya, Jabuuti iyo Nigeria ee ku sugan dalka Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada