Gonzalo Higuain Oo Xaqiijiyay Inuu Doonayo Inuu Ka Tago Real Madrid Xagaagan.

Gonzalo Higuain Oo Xaqiijiyay Inuu Doonayo Inuu Ka Tago Real Madrid Xagaagan.

daajis.com:-Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aansaday inuu ka tago Real Madrid xagaagan, isagoo wadada u baneeyay kooxda Juventus oo xiiseyneysa.

Xiddiga reer Argentina ayaa furay goolashii ay 4-2 Real Madrid kulankeedii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka La Liga uga badisay Osasuna maanta.
“Waxaan dareemayaa in waqtigeygii halkaan uu soo dhamaaday” ayuu Higuain u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka din.
“Waxaan u baahanahay inaan hawo bedesho. Go’aan waa la gaaray.
“Waxaan doonayaa inaan aado meel an shaqsiyadeyda ku soo saari karo. Waxaan heystaa dhowr dalab. Waxaan rajeynayaa in Madrid ay waxa aniga ii fiican iyagana u fiican sameyso.
“Waxba halkaan la iguma siinin, waxaan mar walba u dagaalamayay ilaa dhimashada. Waxaan halkaan ku imid 12 milyan eruo laakiin waxaan qabaa in lacag intaas ka badan la igu iibin doono.”
Juventus ayaa la rumeysan yahay inay hor kaceyso kooxaha xiiseynaya 25 jirkaan Higuain kaasoo qandaraaskiisa haatan ee Real Madrid uu dhacayo 2016.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada