Beyonce oo si farsameysan uga jawaabtay xantii leysla dhexmaraayey maalmahan

Beyonce oo si farsameysan uga jawaabtay xantii leysla dhexmaraayey maalmahan

daajis.com:-Beyonce ayaa si cilmiyeysan shakiga uga saartay dad badan oo ku mashquulsanaa mudooyinkaan islamarkaana isla dhexmaraayey warar xan ah oo ku saabsan in fanaanadu ay uur leedahay.


Fanaanada ayaa bogeeda soo dhigtay sawiro iyada iyo odaygeeda Jay Zoo wada fadhiya baar ku yaala Berlin dalka Germany islamarkaana wada cabanaya qamri,taasoo macnaheedu tahay in fanaanadu aaney soo wadin canugeedii labaad,sababtoo ah naag uurlihi waa ka mamnuuc iney qamri cabto.

Fanaanada iyo ninkeeda ayaa waqti xiisa leh ku soo qaatay dalka Germany halkaas oo ay ku soo qabaneysay bandhigeeda Mr Carters world tour.waxaana sawiradaas ka muuqday in iyada iyo ninkeeda ay ku raaxeysaneey waqtigooda.

Labad fanaan waxey leeyihiin gabar yar oo 16 bilood jir ah oo la yiraahdo Blue Ivy,waxaana dhawaanahanba jiray warar leysla dhexmaraya oo sheegaya in Beyonce leedahay uur,kadibmarkii sawir iyadoo masrax saran laga qaaday uu u muuqday in fanaanada caloosheeda soo koosan tahay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada