Arimahaan Haddii La Helo Waligiis Jaceylkiina Ma Duqoobayo ! Maalin Waliba Waa Cuseyb

Arimahaan Haddii La Helo Waligiis Jaceylkiina Ma Duqoobayo ! Maalin Waliba Waa Cuseyb

daajis.com:-Noloshu waxa ay u baahan tahay qaasatan tan reerka wax yaabo asaasiyaad ah oo uu ku wanaagsanaan karo xiriirka labada lamaane ee ay noloshu ka dhaxayso.

Mar waliba waxaan maqalnaa waa uu liitaa xiriirka ama dhaqanka ka
dhexeeyo hebla iyo sayigeeda .

Hadiise la helo 10-kan arin waxaan isleeyahay waa laga gudbi karaa
carqaladaha hortaagan in uu wanaagsanaado xiriirika:-

1- maxabo iyo mawada oo ah asaaska nolosha.
2- aqbalid inaad ku aqbasho sayigaada ama xaaskaada sida ay tahay ama
uu yahay.

3- wanaajin inaan wanaajiso tasarufka ama dhaqanka aad kula dhaqmayso
qofka kale.

4- dhiiri galin wax walba oo uu samayo qofka noloshu kaala dhexeyso oo
aad ku dhiiri galiso si loo helo i nay daa`imto. qofka hadaadan ku
dhiiri galin waxa uu samaynayo waa uu caajisayaa.

5- caadhifad qofba qofka kale inuu umuujiyo caadifad.
6- amaan qofka inuu dareensiiyo qofka kale in uu aaminyahay dhankastaba.
7- ixtiraam qofba qofka kale inuu ixtiraamo.
8- ihtimaam inaad siiso qofka kula nool ihtimaam dhamaystiran.
9- qadarin.
10- inuu helo qofka raaxo haduu qofka kawaayo gurigiisa raaxo iyo
nasiino waxa uu ka raadinayaa banaanka.

Tijaabiya 10-kan arin waxaa laga yaabaa in aad heshaan wax aad
aadinayseen , hana ka caajisan in ad sameyso ,mar waliba .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada