Qeybtii 3-aad Qisadii Ceyni: Gurigeena Ayuu Ku Noola Oo Waxaa Dhalay Adeerkey Degana Baadiaya’

Qeybtii 3-aad Qisadii Ceyni: Gurigeena Ayuu Ku Noola Oo Waxaa Dhalay Adeerkey Degana Baadiaya’

daajis.com:-Ceyni oo hubaal la dhacdey jawaabaha degan ee bashiir ka baxiyey su,aalaheeda ayaa dib isukugu labatay waxa aayna haatan mashquul ku tahay nafteeda iyo sida aay u meel marin laheed baahida bashiir iyo meel marinta hadalkiisa, waxeeyna dib ugu soo laabatay haasawahii walaaltinimo ee caadiga aheed ayadoo mar kale milicsaneysa su,aalahii iyo jawaabahii walaaltinimo ee ka wada dhaxeyn jirey, waana lasoo laabtey.

Bal waa sidee jawiga caawa iyo dareenka ceyni, waa xili fiidnimo oo circa soo hooriyey roob jawiguna gaarey neecoow udgoon daraf kastana waxaa ka hooraya dhibcihii roobka qof kasta waxa aay ku tahay mashquul eegida hawada iyo heerka cimilada laakin caawa ceyni waxa u dheer jawigaan macaanta badan sahan horey iyo su,aalo wanaagsana oo aay maanta la wadaagtay wiilkii aay jecleed waxa aayna nasiib u yeelatay inuu hareer joogo oo mar kasta indhaheedu qabanayaan waaba dawo iyo qofkiisii oo loo heley.
Waxa aay la jara dheeleeysaa riyo ayada oo soo jeedo waxa aayna mararka qaar cabireeysa tallow soo jawiga caawa kuma wanaagsanaan lahayn adinkoo wada jire rabina isku kiin calfay iyo waliba guri xalaal ah laakin shaqo aan looo dhibtoon dheefteeda lama helee ceyni waxaa u dhiman wado dheer oo riyadeeda kaga dhigi karto run hadii Alle Swt la garab galo waxayna ka baaran dageysaa wadadii aay u mar laheed.
Waxaa la gaarey waqtigii cashada oo inta badan la wada kulmi jirey ceyni oo hadalka bashiir dooneysa waxa aay tagtay qolkii bashiir ayadoo dhaheeysa aboowe soobax waan casheynayna si diiran oo aan haruuf ku jirin waxaa ugu jawaabay bashiir oo dhahaya haye abaayo waan imaanaya, MahadSanid.
Xowliga iyo xawaaraha uu ku socdo jaceylkeeda ayaa sii baahaya waxuuna marba marka ka danbeeysa gaarayaa heer aanan wali la arag lana maqal ceyni waxayna iska dhaadhac yeeshey ineeysanba ku guul dareeysan karin helitaanka wiilkii adeerkeeda ayadoo mararka qaarna u fakareeysa dad meel wada jooga.
Daawasho iyo deymo aan lagu daaleyn ayaa u gaar ah ceyni waxa aayna mar kasta u dhaga dalooshaa hadalka ka soo baxaya afka bashiir iyo la dhaqanka qoyskeeda waxayna ka heshaa hadalo nafteeda qanciye waayo bashiir adeerkii iyo ceyni hooyadeedba waxa uu ugu yeeri jirey hooyo iyo aabo sida ubad aay dhaleen ayuu u ahaa marnaba lagama dareemi jirin marti inuu yahay ama ka koreeyo reerkaan.
In kastoo bashiir ahaa dadka afka gaaban oo aan hadalka badneen hadana maama SaCiido waxa uu ku yeeshey saameyn wanaagsan asagoo ka kasbadey ineey aad u daryeesho waxuuna ula mid ahaa sida kuwa aay dashay had iyo jeer waxa aay ka ilaalin jirtay inuu isku arko far ka dheer faraha kale ee qoyska waxa aayna ilamaheeda u sheegi jirtay in marnaba aan bashiir lagu xad gudbin taasina waxa aay keenetey ama beertey in qoyskii dhamaan isku noqdaan ubad iyo waalidkood aabo siduu kale ayuu asagan ahaa oo wali hadal uu dhibsada kuma oran bashiir waxuuna ula sheekeysan jirey sida curadkiisa oo kale waxaa dhab ah In aay ahaayeen qoys wanaagsan is qadariya jaceyl jilib culeeys ahna ka dhaxeeya isku guursaday wanaag iyo is doorasho ‘Waxa aayna dhaleen ubad aad ugu dhaga nugul oo aan marnaba lagu arkin dhibaato;. !!
Muda iyo maalmo aan la soo koobi karin markii uu ceyni jaceylka kaligeed haayey saakaba waxaa ka go,an in aay u bandhigato bashiir, waana dareen kulul oo aan la ogaan karin in lasoo heleyo dawadiisa markii iskuulka laga soo wada baxay sida caadada ah waa la isi soo raaci jirey oo wadada la isla soo mari jirey maanta ceyni qorsho ayaa u gaar ah ku aadan u sheegida jaceylkeeda ee bashiir, waxayn mar qura ku tiri bashiir waxa aan doonaya inaan kuu soo gudbiyo arin ugub igu ah in mudaana aan kaa qarin jirey balse hada iyo kadib anan qarsan karin ee aboowe raali maka tahay inaad iga dhageeysato hadalkaas adiga oo mahadsan waqtigaasna ii huraayo, bashiir ayaa ku yiri haa abaayo isheeg xaq baad uleedahay midaase.
Isbuucaan intaas ayaan ku soo gaba gabaneynaa Qisadii Ceyni inta aan isbuuca danbe dib u kulmi doono waa ismail abdi den ‘WaaSuge’ oo idin lah meel kasta oo aad joogtaanba soomaaliyeey Nabad, 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada