Mourinho Oo Noqonaya Tababaraha Ugu Mushaarka Badan Ingiriiska Ka Dib Hishiiska Uu Saxiixay

Mourinho Oo Noqonaya Tababaraha Ugu Mushaarka Badan Ingiriiska Ka Dib Hishiiska Uu Saxiixay

daajis.com:-Wargeyska The Sun ayaa bogooda Internet-ka soo dhigay in Jose Mourinho uu hishiis afar sano ah u saxiixay Chelsea maalintii talaadada si kooxdaas uu u hogaamiyo xilli ciyareedka dambe .

Hishiiskaas afarta sano ayuu Jose ku qaadanayaa dhanka kale mushar dhan 40-milyan oo gini iyadoo sidaas uu ku noqonayo tababaraha ugu mushaarka badan horyaalka Ingiriiska .
Chelsea ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa Mourinho si todobaadka dambe shaqadiisa uu u qabto , iyadoo ciyaarta ugu horeeysa ay tahay midda ay Tailand ay ugu safrayaan.
Jose ayaa Chelsea soo qabtay xilli ciyaaredyadii 2004/2007 isaga oo xiligaas ka yimid kooxda FC Porto , waxa uuna Chelsea la qaaday laba jeer horyaalka Ingiriiska ka hor inta Inter uu u wareegin xagaagii 2010-ka isaga oo la soo qaaday sedex koob hal xilli ciaareed gudihiisa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada