Ahmed Ugaaska Soo saare Xariif ku ah xulashada xiliga, goobta iyo labiska ugu haboon ee Muuqaalada Heesaha + Video

Ahmed Ugaaska Soo saare Xariif ku ah xulashada xiliga, goobta iyo labiska ugu haboon ee Muuqaalada Heesaha + Video

daajis.com:-Somalivip Studio oo ka mid ah ah Studiyaasha heesaha ugu badan ka qabtay Fanaaniinta Mareykanka gaar ahaan kuwa dhexe iyo kuwa cusub ee dhowaan sida dardarta ah ku soo galay Fanka ayaa u muuqda mid si xowli ah u sii hormarinayo xirfadiisa dhinaca Duubista, hagista, jarjarida Muuqaalada iyo soo saarista heesata.

Muuqaalada Cajiibka ah ee sida weyn ay ula dhaceen bulsho weynta Soomaaliyeed ee Guuxooda uu nagu dhaliyay in aan idin soo bandhigno waxqabadka sii laba kacleynayo ee Somalivip Studio waxaa ka mid ah Muuqaalka Heesta AYAAN ee dhowaan uu soo saaray.

Heesta Ayaan oo ah Hees ay si wada Jir ah u qaadayaan Afar Fanaan oo taageerayaal badan ku dhex leh Bulshada ayaa waxaa laga dheehan karaa waxqabadka Maxkaxeed iyo dadaalka hormarineed ee Somalivip, gaar ahaan labiska Fanaaniinta iyo goobta ay ku duubeen Muuqaalka, waxaase ka sii daran codadka wada macaan ee sida dheeli tiran ay isku dhaafsanayaan fanaaniinta kala ah C/casiis Iskaalji, Sahro Cumar Dhuule, Axmed Gaashaanle iyo Fartuun Cumar.


Maamulaha ahna Director ka Studiyaha Axmed Ugaaska oo badana Heesaha duubo misana maskaxdiisa ay ka soo maaxato qaabka loo sameeyo muuqaalada ayaa la ogaaday in uu xariif ku yahay xulashada waqtiyada ugu haboon ee la duubo muuqaalada iyo qaabka ugu haboon.

Laba ka mid ah taageerayaasha Fanaaniinta sida wada jirka ugu leeqeeyay Heestaasi ayaa sida loo sameeyay muuqaalka heesta u barbardhigay muuqaalada caalamiga ah ee fanaaniinta Mareykanka ay si wada jir ah heeso ugu qaadaan xafladaha dadka caanka ah ay qabsadaan ama marka ay dad caan ah is guursanayaan.


Mid ka mid ah ayaa waxa uu yiri waxaa ka sii fiicneyn in lagu daro fanaaniinta oo mid mid ugu soo dhex baxayo meel in qaac uu ka soo baxaayo camal ah oo waliba codkooda la maqlo ka hor inta aanan muuqaalkooda la arkin ayuu yiri hase ahaatee midka kale ayaa ku qanciyay in ay gaarayaan marka la eego sida ay u sii hormarayaan.


Waxaa kaloo si weyn dadka u soo jiitay qaabka cusub ee dhowaan uu soo kordhiyay oo ah in si hor dhac ah uu u soo bandhigo muuqaalka heesta uu soo wado iyadoo fanaaniinta ku luuqeynayo heestaasi ay qaadayaan iyadoo music la,aan ah misana u mahadcelinayaan taageerayaashooda iyo dadka la shaqeeya intaba oo isaga Ahmed Ugaaska uu ugu horeeyo.

Waana dabcan markii ugu horeysay ee fikir noocaas ah uu la imaado Studio Soomaaliyeed kadib markii Hodan Abdirahman iyo Dalmar yare uu si hor dhac ah u soo saaray iyagoo Music la,aan ku luuqeynayo Muuqaalka Hees ay soo wadaan.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Heesta Ayaan ee Sida Casriga Ah u Duubay Director Ahmed Ugaaska


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada