HUMAN RIGHTS WATCH:-”Waa Shirka London Xooga Lagu Saraa Arimaha Xaquuqul Aadanaha

HUMAN RIGHTS WATCH:-”Waa Shirka London Xooga Lagu Saraa Arimaha Xaquuqul Aadanaha

daajis.com:-Leslie Lefkow oo ah Ku xigeenka Madaxa Qaarada Africa ee hay’ada Xaquuqul insaanka ayaa isagoo ka ka faa’eysanaya shirka London wuxuu baaq u jeediyay dhamaan Madaxda Soomaalida iyo hogaamiyaasha ka qeyb galaya shirka inay si weyn Masraxa u saaraan arimaha dhowrista xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya.


Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50-dowladooda,iyagoo halkaas wafuudi ugu danbeysay ay gaareen si shirka si habsami leh uu ugu dhaco.

“Shirka waa Msutaqbalka Soomaaliya,laakiin waxaana codsaneynaa in diirada lagu soo saaro arimaha ilaalinta xaquuqda aadanaha horayna wafuuda ka qeyb galeysa waan kala hadalnay ayuu yiri,”ayuu yiri Mr Leslie Lefkow.

Wuxuu sheegay Leslie Lefkow oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan uu muhiimad gooni ah uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,isagoona ku dhiira giliyay inay kaga tashadaan aayaha danbe ee wadamka dagaalada ay la dageen ee Soomaaliya.

Hay’ada xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Soomaaliya ku tilmaantay meelaha ugu qatarta badan ee lagu dhibaateeyo dadka liita,gaar ahaan kuwa saameynta abaaraha iyo colaadaha,waxaana si gaar ah Soomaaliya lagu sheegaa inay ka jiraan xadgudubyo ka dhanka ah haweenka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada