Ajaaniibta katirsan Al-Shabaab oo Warqad calaacal iyo Cabasho ah u diray Hogaamiyaha Al-Shaaab Abuu Zubeyr

Ajaaniibta katirsan Al-Shabaab oo Warqad calaacal iyo Cabasho ah u diray Hogaamiyaha Al-Shaaab Abuu Zubeyr

daajis.com:-Saraakil sare oo Al-Shabaab ah gaar ahaan kuwa diba uga yimid ayaa waxa ay war qad furan u direen hogaamiyaha xarakada Al-Shabaab oo ay ugu shegayaan in aysan jirin kalsooni isku xirnaan ah oo ka dhex jirtay gudaha shababka hubaysan ee ku kacsan dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qofka warqadaani u qoray hogaamiyaha Al-Shabab ayaa waxa lagu magacabaa Zuber Al-Muhaajir oo tilmaamay in uu sareeyo herka uu gaar siisan yahay isku xirnaanta iyo kalsoonida Al-Shabab dhexdooda ka jirta.

Warqadan oo ka koobneed 12-page oo lasoo dhigay baraha kooxaha xirirka la leh ururka Al-Qaacida ayaa waxa cinwaan looga dhigay “haa dhibaato ayaa jirta”.

Digniinta sarkaalkani uu diraayo ayaa waxa uu heerkeedi gaarsiiyay in aysan aheyn sida ay ka warhayaan dadka taagerada u haya xarakada Al-Shabaab.

Subeyr Al-Muhajir ayaa cadeeyay in dhowr jeer uu isku dayay in uu warqad u diro hogaamiyaha All-Shabab Sheekh Muqtar Abu Subeyr midaanina waxa uu ku tilmaamay in ay soo dadajisay iyadoo ay go day dhamaan xirirkii Al-Shabaab ee kuwa Somalida iyo ajaanibta dibada ka timid.

Waxa uu yiri”waxaan dhowr jeer isku dayay in aan kala hadlo Abu Subeyr kox kamid ah dadka Shabaab uga yimid dibada oo xabsiyada ugu xir xiran qar kamid ah saraakisha Al-Shabaab”.

Waxa uu sarkaalkani Shababka ah u shegay in uu isku dayay dalab uu ku doonayey in Abuu Zubeyr waji ka waji ula kulmo balse midaa loo diiday iyadoona isku daygii ugu danbeeyay uu sameyay ay aahed in dalabkaasi uu ugudbiyay amirka hogaamiyaha Al-Shabaab uu ugu soo magacaabay dadka Shabaabka dibada uga yimid.

Warqadaani furanm ayaa waxa sarkaalkani uu ku sheegaya in ay jiraan cadaadis la saarayo dagaalamayasha Al-Shabaab uga yimid wadamada caalamka qaarkood.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayuu ku wargaliyay in uu xir xiray dad muhajirin ah oo Shabaab dibada uga yimid kuwaasi oo lagu eedeyay in ay la shaqeenayeen dowlada Somalia.

Sidoo kale waxa uu sarkaalkani shaca ka qaaday in mid kamid ah saraakisha Ajaanib ah al-Shabaab uu ku geeriyooday xabsiyada ay maamulayaan dagalamayaasha shababa ee hoostagta Amiirka Al-Shabaab ee Abuu Subeyr.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada