Benitez & Van Persie Oo Ku Kala Guuleystay Abaalmarinta Macalinka Iyo Xiddiga Ugu Fiicnaa EPL Bishii Hore.

Benitez & Van Persie Oo Ku Kala Guuleystay Abaalmarinta Macalinka Iyo Xiddiga Ugu Fiicnaa EPL Bishii Hore.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Chelsea Rafa Benitez ayaa ku guuleystay abaalmarinta bilaha ee macalinkii bisha April ugu fiicnaa horyaalka Ingariiska, halka xiddiga Manchester United Robin van Persie isna uu ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa bishii April.


Benitez oo si joogta ah mudahaaraad ugala kulma taageerayaasha Chelsea, ayaa kooxda Blues ku hogaamiyay inay meel fiican ka taagnaato rajadooda ay ka qabaan inay soo xaadiraan Champions League, iyadoo badiyay seddex kulan oo ka mid ah afar kulan oo ay ciyaareen bishii hore.
Benitez ayaa Chelsea ku hogaamiyay in bishii April ay ka talaabsadaan Sunderland, Fulham iyo Swansea, halka ay Anfield barbaro 2-2 ah kula galeen kooxda Liverpool. Waxaana ay taasi keentay inay soo fariistaan kaalinta 3aad ee kala sareynta horyaalka Ingariiska iyadoo afar kulan ay u harsan tahay.
Dhanka kale xiddiga Manchester United Robin Van Persie ayaa isna qaatay abaalmarinta xiddiga ugu fiicnaa bishii hore ee April, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay xaqiijisato hanashada horyaalka Premier League iyadoo afar kulan ay u harsan tahay.
Van Persie ayaa lix gool oo muhim ah u dhaliyay bishii hore kooxdiisa Man United taasoo ku sii xaqiijisanayo gooldhalinta horyaalka Ingariiska, waxaana goolashiisa ka mid ahaa seddexleydii uu ka dhaliyay Aston Villa ee Man United u xaqiijisay hanashada horyaalkoodii 20aad ee Ingariiska.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada