Haween timid goob ay ka socotay munaasabad geerideeda loogu baroor diiqayay (Sidey ku dhacday?-Mucjiso)

Haween timid goob ay ka socotay munaasabad geerideeda loogu baroor diiqayay (Sidey ku dhacday?-Mucjiso)

daajis.com:-Degmada lagu magacaabo Inyathi oo ku taalla dalka Mozambique ayaa waxaa ka dhacay arin layaab leh kadib markii haweeneey maalin ka hor la soo aasaay oo ay socotay munasabad loogu murugoonayo geerideeda ay soo istaagtay madashii murugada iyada oo wadata dhar qurux badan, kadibna ay bilaawday in ay heesto.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaabaa Gogo Ngwenya, waxaana la sheegay in la’aasay maalin kahor xilligii ay imaaneysay halka loogu murugoonayay, waxaana wararku intaa ku darayaan in markii ay imaaneysay ay aheyd labadii duuhurnimo oo baroor diiqayaashu ay aad ugu badnaayeen goobta ay soo istaagtay.

Mid kamid ah baroor diiqayaasha ayaa waxa uu sheegay in uu arkay Gogo Ngwenya oo irida guriga taagan, iyada oo dhamaan qolyihii uu u sheegay ay hal mar wada eegeen ayna arkeen iyada oo irirda dareen la’aan u taagan, waxa ayna inyar kadib soo aaday halkii ay boroor diiqayaashu ku sugnaayen tass oo sababtay in ay ka kala cararaan

Gogo Ngwenya ayaa fariisatay kadibna bilaawday in ay heesto iyada oo cid fahamta heesaheeda la waayay, inkast oo daqiiqado kadib ay istaagtay adayna dhanka irida guriga kahor intii aysan mirqin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada