Axmed Madoobe iyo taagaarayaashiisa oo ku fashilmay dadaal ay doonayeen in ciidanka Dowlada ee Kismaayo ay maamulaan.

Axmed Madoobe iyo taagaarayaashiisa oo ku fashilmay dadaal ay doonayeen in ciidanka Dowlada ee Kismaayo ay maamulaan.

daajis.com:-Mid kamid ah saraakiisha meleteriga Soomaaliya oo lagu magacaabao, Warfaa Sheekh Aadan ee ka howl-gala Gobolada Jubbooyinka ayaa beeniyay Warar sheegayay in Ciidamadda meleteriga dowladda federalka Soomaaliye ee ku sugan Magaalada Kismaayo ay maamulkooda la wareegeen hoganka kooxda Raas-kanbooni.

Warfaa Sheekh Aadan ayaa yiri, “Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in ciidamada Kismayo ay hoos tegi doonaan maamulka Axmed Madoobe. Arintaas si qaldan ayaa waxaa ugu fududaaday sarakiil halkaan magaca dowlada ku yimid isuna rogay saraakiil qabiil. Ma suura geleyso in maleshiyaad jabhadeed ciidanka qaranku ay hoos tagaan”.

Waxa uu intaa sii raaciyay arinta, “Qorshahaan dhicisoobay ee lagu baado goobayay ciidamada dowladu in ay hoos yimaadaan Maleeshiyaadka waxaa gadaal ka riixayay Axmed Madoobe oo qorsha guracan wata. Waxa uu doonayaa in uu sii heesto maamulkaa gobalka. Ciidamada dowladuna waxa ay doonayaan in maamulka dowliga ah ay halkaan ka hir geliyaan”.

Hadalka sarkaalkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha Raaskanbooni uu doonayo in uu ciidanka dhan ee Kismaayo gacanta ku dhigo si uu uga fogaado carqalad xagga ciidanka uga timaada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada