Aqri magacyada wariyaasha Shabaabka u shaqeynay ee isu dhiibay dowlada Soomaaliya.

Aqri magacyada wariyaasha Shabaabka u shaqeynay ee isu dhiibay dowlada Soomaaliya.

daajis.com:-Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka degmadaasi ay isu dhiibeen wariyaal ka shaqeyn jiray Idaacada Anduluus ee Shabaabka Afkooda ku hadasha.

Wariyaashaan ayaa la sheegay in ey ahaayeen ilaa labo Wariye oo si iskood ah iyagu u go'aansadeen in ay ka soo tagaan Shaqadii ay Shabaab u hayeen dhaawaana la filayo in lasoo bandhigo.

Labada weriye oo lagu kala magacaabo Cabdikariin Jakarta iyo Aways Cumar Cali ayaa ka howlgeli jiray idaacadda Andulus laanteeda Baydhabo.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in wariyaashaani ay saxaafada ka hor sheegi doonaan waxa ku qasbay in ay soo goostaan dowladana isu soo dhiibaan

Waa markii ugu horeysay taariikhda wariya ka shaqeynayay Radio Andus uu isu dhiibo dowlada Soomaaliya isaga oo baxsad ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada