Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo maxkamada Ciidamada qalabka sida ay su’aalo weydiisay iyo warar leesla dhex marayo oo sheegaya in xabisga ladhigay.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo maxkamada Ciidamada qalabka sida ay su’aalo weydiisay iyo warar leesla dhex marayo oo sheegaya in xabisga ladhigay.

daajis.com:-Maxamuud Maxamed Caddow oo ku magc dheer Dhabarey ahaana agaasimaha hey’ada socdaalka iyo jinsiyadaha ee garoonka Aadan cadde ayaa maalintii shalay aheyd waxaa su’aalo weydiisay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed kadib markii uu bilaawday daba gal lagu sameynanay lacago laga xaday garoonka.

Su’aalaha la weydiinayay ayaa waxaa la sheegay in ay khuseeyeen waxa uu ka ogyahay halka ay ka bexeeen lacago gaaraya $130,000 oo garoonka laga boobay oo dad badan loo xir xiray.

Sarkaal ka tirsan maxkamada meleteriga Soomaaliyeed oo ay la hadashay shabakada daajis diidayna in magacciisa war-baahinta loo adeegsado ayaa waxa uu xaqiijiyay in Maxamuud Maxamed Caddow su’aalaha la weydiiyay hasa yeeshee ma uusan xaqiijin in xabsi loo taxaabay, waxa uuna intaa ku daray in ay jiraan rag kale oo badan kuwaas oo su’aalo la weydiin doono.

Taliyaha waxaada hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Cabdullahi Gaafow ayaa horay u sheegay in $20,000 oo kamid aheyd $130,000 oo garoonka wax looga qaban lahaa si sax ah loo adeegsaday halka $110,000 ee kalana meel ay ka baxday aan la ogeyn.

Wararka sheegaya in agaasimaha xabsiga dhexe ee Muqdisho la dhigay ayeysan jirin cid si rasmi ah u xaqiiji karta iyada oo waaxda Socdaalku aysan wax war ah kasoo saarin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada