Daawo Sawirada Madaxweynaha Somalia oo Soo bandhigay Qorshayaal dhoor ah ee Dowlada Masuul ka tahay lana kulmay Madax kala duwan

Daawo Sawirada Madaxweynaha Somalia oo Soo bandhigay Qorshayaal dhoor ah ee Dowlada Masuul ka tahay lana kulmay Madax kala duwan

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xassan Sheikh Maxamud oo maalintii shalay Shirka la Guddoominayay Raisul Wasaaraha Dalka Britan Mudane David Cameron ayaa ku wargeliyay Madaxda dalal kala duwan in is-bedel weyn uu ka dhacay dalka Soomaaliya Wuxuu goobtaas ku soo bandhigay qorshaha dowladda Federaalka oo ay masuul ka tahay Amniga, shacabka, dhulka, iyo daqliga dowladda. Isla shirka oo socda ayuu Madaxweynaha kulamo gooni-gooni ah ula qaatay madaxda wafido kala duwan.

Madaxweynaha wuxuu la kulmay madax, iyo wafdiyo kala duwan oo ka soo qeyb galay kulanka oo ay ka mid yihiin: Maraykanka, Britan, Imaraadka Carabta, Turkiga,Danmark,Qadar,Sweden,AU,UN iyo qaar kale oo badan.

Shirka kadib ayaa waxaa shir jaraaid wada qabtay Raisul Wasaaraha Dalka Britan Mudane David Cameron iyo Madaxweynaha JFS.


Madaxweynaha ayaa goobtaas ka sheegay “ Waxaan rabaa in aan u mahad celiyo Raisul Wasaaraha Britan iyo shacabka sida sharafta leh ay noola qaban qaabiyeen shirkii 2aad ee London. Waxaa kale ay masuuliyad iska saareen in ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed. Taasna shacabka Soomaaliyeed weey soo dhaweynayaan taageridda joogtadda ah ay Britan siiso ummadda Soomaaliyeed.”


Waxaan kale oo aan rabaa in aan u mahad celiyo dhamaan madaxda iyo wafuudda ka soo qeyb gashay shirkaan oo taageeray. Aduunka ayaa iskugu yimid London laakin waxaa dareemayo shirka waa shacabka Soomaaliyeed Waxaan halkaan u nimid in aan Caalamka tusno wax qabadkeena, si aan u helno taagero aan Soomaaliya nabad iyo kala danbeyn ku gaarsiino.

Jawaabta madaxda caalamka iyo wafuuda shirkan iskugu yimid ay na siinayaan waa mid wanaagsan oo taageryso siyaasadda u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo gaba gabeeyay” caqabadaha haysto dadkeyka waa kuwa caalami ahuna baahan in si wada jir ah caalamka wax uga qabto. Fursadaan dahabka ah ma awoodno in aan lumino. Waxaan jecelnahay in caalamka ay diyaar u yihiin in si dhab ah ay nooga saacidaan nabdaynta Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada