RASMI: Tababare Sir Alex Ferguson Oo Si Rasmi Ah Uga Fariistay Shaqada Tababare Ee Man United.

RASMI: Tababare Sir Alex Ferguson Oo Si Rasmi Ah Uga Fariistay Shaqada Tababare Ee Man United.

daajis.com:-Sir Alex Ferguson ayaa ka fariistay shaqada tababare ee kooxda Manchester United ka dib 26 sannadood iyo bar oo uu soo hogaaminayay kooxda.

Tababaraha reer Scotland oo 71 sanno jir ah ayaa ku guuleystay 13 horyaalka Premier League, labo Champions League, UEFA Cup Winners Cup, shan FA Cup iyo shan League Cup.
“Go’aanka aan ciyaaraha uga fariistay waa mid aan wax badan ka fekeray. Waxaa la joogaa waqtigii saxda aheyd” ayuu yiri Ferguson.
“Muhim ayay ii aheyd inaan ka tago kooxda oo ku jirta qaabkeedii ugu xooga badneyd, waana rumeysanahay inaan sidaasi sameeyay.”
Sir Alex Ferguson ayaa door agaasime ka qaban doona kooxda Manchester United isagoo sidoo kale u noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ambassador.
Ferguson ayaa ka tagaya shaqada United isagoo ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Britian, isagoo ku guuleystay seddexdii koob ee caanka ahaa 1999kii.
Waxa uu marayaa qaliin sinta ah xagaaga, taasoo laga yaabo inay keentay go’aankiisa uu ciyaaraha kaga fariisanayo.
Waxaa haatan ugu cadcad inuu shaqada ka bedelo oo saxaafada ay hadalheysaa tababaraha kooxda Everton David Moyes.
Koobkii uu ku guuleystay Sir Alex Ferguson:
Premier League: 1993, 1994, 1996, 1997, 1999, 2000, 2001, 2003, 2007, 2008, 2009, 2011, 2013.
FA Cup: 1990, 1994, 1996, 1999, 2004
League Cup: 1992, 2006, 2009, 2010
Champions League: 1999, 2008
Cup Winners Cup: 1991
FIFA Club World Cup: 2008
UEFA Super Cup: 1992
Inter-Continental Cup: 1999
FA Charity/Community Shield: 1990 (shared), 1993, 1994, 1996, 1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2011
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada