Madaxweynaha Soomaaliya oo London kula kulmay ganacsato iyo maalgaliyaal Soomaali iyo Ajaanib(Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya oo London kula kulmay ganacsato iyo maalgaliyaal Soomaali iyo Ajaanib(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud oo khudbad ka jeediyey shirka Ganacsatada iyo Maalgeliyeyaasha oo maanta ka dhacay London ayaa yiri “Soomaaliya waxaan rabnaa in aan ka dhigno dal ku dhisan technologiyadda cusub oo Wadooyinka, dekedaha, airportka, iyo guryaha waa in ay ahaadaan kuwa aan ku dhisneyn cilmigii hore balse ay qasab tahay in ay ku dhisnadaan caqliga qarniga 21aad iyo casriga cusub.

Dowladda Soomaaliya waxeey juhdi badan ku bixisay amniga. Waxaan ognahay Soomaaliya hidii ay tahay meel nabad ah waxaa laga herglin karaa ganacsi” ayuu sheegay Madaxweynahu.

Soomaaliya waxey ku taalaa meel istaraateji u ah caalamka iyo ganacsiga adduunka oo waxey leedahay xeebta ugu dheer Africa, labo webi, dhul beeraad, ka gancsiga xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah oo dhammaantood u baahan in shacabka looga faaiideeyo”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirigelineyso ganacsiga iyo maalgashiga,dowladdana ay dhowaan hor keeneyso baarlamaanka sharciyadii maalgeshiga iyo ganacsiga madaxa bannaan. Maalgashiga dalka waxey faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka. Sidoo kale waxaa muhiim ah in shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u kobciyaan ganacsiga iyo horumarka dalka ayuu Madaxweynaha ku soo gaba gabeeyay
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com












Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada