Yaa Ka Bedeli Doona Shaqada Old Trafford Tababaraha Fariistay Sir Alex Ferguson?

Yaa Ka Bedeli Doona Shaqada Old Trafford Tababaraha Fariistay Sir Alex Ferguson?

daajis.com:-Alex Ferguson waa ka fariistay shaqada kooxda Manchester United, laakiin yaa bedeli doona shaqada tababaraha ugu guulaha badan Britian.

Durbaba waxaa la hadalhayaa magacyo dhowr ah oo u sharaxan shaqada tababaraha cusub ee Manchester United, waxaana ka mid ah:
David Moyes
Tababaraha kooxda Everton ayaa in muddo ah lala xiirinayay inuu yahay ninka bedeli lahaa Sir Alex Ferguson, isagoo in muddo ah ku soo dadaalay kooxdiisa haatan ee Everton isagoo dhaqaale weyn oo uu suuqa kala iibsiga ku galo aan heysan.
Jose Mourinho
Iyadoo si joogta ah haatan loola xiriirinayo tababare Jose Mourinho inuu ku laabanayo Chelsea marka uu xagaaga ka tago Real Madrid, hadana dad badan ayaa aaminsan in hadii Special One loo soo bandhigo fursad uu ku bedelo Man United inuu ku boodi doono.
Jurgen Klopp
Tababaraha kooxda Borussia Dortmund ayaa isna ka mid ahaa tababarayaasha lagu tuhmayay inay bedeli karaan tababare Sir Alex Ferguson, waxaana shaqadiisa wacan ee uu ka qabtay Borussia Dortmund ay noqon kartaa mid loo texgelin karo inuu macalin ka noqdo Old Trafford xilli ciyaareedka danbe.
Ryan Giggs
Ciyaaryahanka reer Wales oo xilli dhow 40 jir noqonaya ayaa noloshiisa oo dhan u hibeeyay Red Devils, waxaana jirta saadaal ah in marka Giggs uu ciyaaraha ka fariisto inuu noqon doono tababare, balse haatan ma la joogaa xilligaas ayaa ah su’aasha la isweydiinayo.
Ole Gunnar Solskjaer
40 jirkaan ayaa ah halyeey Man United ah waxaana koobab uu hore iyo gadaal ugu qaaday kooxda reer Norway ee Molde, waxaana uu inta badan ka hadlaa inuu ku riyoonayo inuu Tiyaatarka Riyada ka noqdo mar uun macalin isagoo tababare u soo ahaa kooxda Juunyeerka Man United.
Carlo Ancelotti
Tababaraha Talyaaniga ayay u badan tahay inuu ka tagayo PSG xagaaga, inkastoo la isla dhexmarayo inuu ku sii jeedo Real Madrid oo uu bedelayo Jose Mourinho, hadana waxaa macquul ah inuu fursad u helo inuu mar kale ku soo laabto England ka dib waqtigiisa Chelsea.
Magacyada kale ee la xusay waxaa ka mid ah Gary Neville, Laurent Blanc, Roberto Martinez, iyo Michael Laudrup .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada