Fanaanada Lauryn Hill oo lagu xukumay sedex bilood oo xabsi ah

Fanaanada Lauryn Hill oo lagu xukumay sedex bilood oo xabsi ah

daajis.com:-Heesaada Mareykanka ah ee Lauryn Hill ayaa lagu xukumay sedex bilood oo xabsi ah,kadib markii ay bixin weysay lacago canshuuro ah oo gaareysa 1.8 million intii u dhexeysay 2005 ilaa 2007 .

Lawyerka u doodaaya fanaanada ayaa sheegay in fanaanada markii hore loo soo diray digniin la xiriiro iney ku bixiso ahmiyada deyn lacageed oo dhan 900,000 dollar, laakin maxkamda New Jersey kama fikirin in ku filan. 

Fanaanada waxey heleysaa mudo sedex bilood oo xabsi guri ah,taasoo ay daba socoto mudo sagaal bilood oo la tijaabinaayo xabsi gurigeeeda.

Fanaanada ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday iney qorsheyneyso sidii ay ku gudi laheyd deynta canshuurta,laakin wey awoodi weysay sababtoo ah xirfadeeda in mudo ahba cagobadan kuma taagneyn. Saxaafada Mareykanka ayaa sheegtay in Lauryn Hill laga weyn doono baararka mudo 8 bil ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada