Rihanna iyo Chris Brown oo is weydaarsaday fariimo cadeynaayo iney kala hareen

Rihanna iyo Chris Brown oo is weydaarsaday fariimo cadeynaayo iney kala hareen

daajis.com:-Rihanna iyo Chris ayaa bogooda twitterka isku dhaafsaday ereyo cadeynaya inuu xiriirkooda dhamaaday,iyadoo mid walbo uu adeegsaday ereyo ay ku muujinaayaa marxalada adag ee uu xiriirkoodu maraayo.


Rihanna ayaa bogeeda ku soo qortay ereyo ay ka mid yihiin jaceylku ma'ahan sheeko carruureed iyadoo ka duuleysa wareysi uu dhawaan Chris Brown siiyey idaacad ku taala dalka Australia isagoo shaaca ka qaaday inuusan diyaar u aheyn inuu guursado qof da' ahaan aad u yar,isagoo markaasi ka hadlaayey Rihanna wuxuu sidoo kale waresigaas ku sheegay inuu yahay qof madaxbanaan ah uuna doonayo inuu gabdho badan xiriiro la sameeyo Chris wuxuu todobaadkan u dabaaldegay sanadguuradiisii 24 aad isaga iyo gacalisadiisii hore Karrueche Tran, xilli Rihanna ay ku mashquulsaneed bandhigfaneedkeeda Diamond tour.

Rihanna iyo Chris waxaa boga twitterka ku shaaciyeen iney kala hareen,waxey soo qortay Rihanna Jaceylku maahan sheeko carruureed, xalku maahan kala dooradho, daacadnimadu waa iney ahaataa 100% mid xushmad iyo kalsooni ku saleysan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada