Naag -Naag Dhaaftay Ayaa Tahay Hadiiba Ninkaada Sidaan Ula Dhaqantid ! Yaan lagu Cayuumin

Naag -Naag Dhaaftay Ayaa Tahay Hadiiba Ninkaada Sidaan Ula Dhaqantid ! Yaan lagu Cayuumin

daajis.com:-In ay u oofiso dharku jecelyahay ninkaagu iyo wuxuu cunaba iyo wixii kale ee wanaag ahba, maxaa yeelay waxay kordhin jacaylkooda iyo xidhiidhkooda usrada.


In ay sii sogootido markuu guriga ka baxayo ee uu u baxayo cibaado uu jecelyahay.

Markuu guriga ku soo noqdana waa in ay ku soo dhaweysaa bashaashnimo, wajifurni, adeecid, hadduu shaqo soo qabtayna aad usoo dhaweeyso.



In ay marwalba u muujiso ninkeeda xubigiisa qawlkeeda, ficilkeeda iyo habka asluubteeda.

In ayd wax walba ka hormariso ninkeeda xataa ilmaheeda.

Markuu doonayo in uu hadlo aamusto, hadalkiisana fursad siisa sidaasna usameysa mar walba, sidaas buu ku dareemayaa ninku in ay xaaskiisu ihtimaam siineyso.


Waa in ay ka fogaato ku soo celcelinta gafkiisa waayo hadhow waxaa yaraanaya ixtiraamkiisa.

In ay sawjkeeda agtiisa ku amaanin nin kale waayo wuxuu keenaa masayr, khilaaf wuuna ka jeestaa ninku wajiga xaaskiisa.

In ay xiftido sirtiisa oo ayna ka fidinin sababtoo ah waa amaano


Yaysan kaga mashquulin ninka oo jooga wax kale, sababtoo ah wuxuu rabaa in ay qalban bi qalbi iskula joogaan.

Waa in uu codkeedu yar yahay oo xad qoslin, waayo markuu hadalkii fawdo noqdo aamusniduna waytagi.

In ay ku mashquuliso wakhtigeeda wixii anfacaya aakhiro iyo adduunyaba. Waa in aynaa wakhtigeeda qaaliga ah ku luminin qaaylo, buuq, xan , isku dir iyo wax kale oo xun.


In ayna raadin waxayna haysanin, oo ay ku shugrido wuxuu Illaahay siiyay oo ay qaneeco la timaado.

Waa in aay laasinto (joogto ka dhigto) Quraan akhriska iyo kutubta cilmiga ah ee anfaca leh , waana in ay lahaato wardi ay maalintii akhrido.


Waa in ay ka fogaato quruxda xadka ka baxsan iyo udgoonka markay guriga ka baxayso.

In ay noqoto mid dadka diinta ugu yeedha iyo dariiqii Rasuulka [Salallaahu calayhi wasalam] ugu yeedha ugu horeyn ninka kadibna ku xijiso dadka kale.


In ay ixtiraamto ra yiga ninkeeda waana albaabaha ixtiraamka arinkaasi.
In ay siiso ninkeeda dhamaan xuquuqdiisa oo dhan wixii Illaahay ku waajib yeelay iyadoon ka caajisin ugu samaysa wanaag.

In ay ka fogaato bidcada, sixirka iyo xumaanta oo dhan waayo waa dariiqa naarta lagu galo.


In ay raali galiso markuu cadhoodo ninkeedu
In ay noqoto qudwo wanaagsan markey saaxiibadeed la joogto iyada oo unoqonaysa tusaale sida hanuunkeeda hadalkeeda, quruxdeeda, edabteeda iyo akhlaaqdeeda.




Waa in ay laasimtaa xijaabka Islaamiga ah ee sharciga ah.
Markuu safar rabo ugu duceysa khayr iyo nabad galyo iyo in ay wax walba u xifdido.



In ay ilaaliso dareenka ninkeeda, kana dhawrto wixii dhibaya.
In ay ninkeeda umuujiso run in ay kalgacal u hayso iyada oo isticmaalaysa hadal qurux badan oo waxaa ku noqonaysa sacaadatu-zawjiyah.
In ay ilaaliso dareenka ninkeeda oo ay ka dheeraato wixii dhibaya ee hadal ah, ficil ama dabeecad xun ah.


Markii uu u keeno hadyad waa in ay mahad naqdo iyada oo muujinaysa jacayl iyo farax, hadayadii awgeed waxaa siyaadaya jacaylkeeda, waxaana tagaya xiqdiga iyo cadhada ka dhaxaysa labada isqaba.

Waa in ay tahay mid diin iyo qurux leh, oo leh quruxda diinta, diinteeduna kaamil tahay (dhamaystirantahay) oo dabeecad wanaagsan.

Waa in ay ogaato wakhtiga uu ninkeedu faraxsanyahay, murigeysanyahay, cadheysanyahay, qoslo, ooyo, sababtoo ah arinkan mashaakilka usrada ayuu baabi inayaa.


In ay ninkeeda nasteexooyin siiso, waxa wanaagsana u ishaarto ninkeeda. Waa in uu ka qaato ninku xaaskiisa ra yigeeda. Rasuulkii Illaahay [Salallaahu calayhi wasalam] wuu ka qaadan jiray haweenkiisa ra yigeeda mawqifkasta.
In ay jeclaato ninkeeda, ixtiraanto, oo aysan kala dibdhicin shaygu jecel yahay ee ay usoo hormariso.


In ay tahay shaqsiyad go aan adag leh oo ku kalsoon labiskeeda iyo dhamaan hadalkeeda oo dhan.

In ay raacdo ninkeeda markey u baxayso dawaafid sharci ah.

In ay ku dhahdo macaane sababtoo ah kalmada wanaagsani qalbigaa jecleysta, ninkana waxaa ugu siyaada jaceyl markasta oo ay ku tidhaahdo hadal macaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada