Weligey Ma Oran Waan Ku Jeclahay ! Sababta Ma Fahantay.

Weligey Ma Oran Waan Ku Jeclahay ! Sababta Ma Fahantay.

daajis.com:-Hal ama toban ka badan dadka xiriirka ka dhexeeya badanaa isma yiraahdaan waan ku jeclahay si joogta ah,si kasto oo ay isaga dhow yihiin dadka kale ama isku weheshadaan,waxaana lagu kala duwan yahay qaabka qof walbo u cabiro dareenka uu u qabo kan kale isagoo isticmaalaya xeelado kale oo abuurta jewi isfahan ah.


In badan oo ka mid ah lamaanayaasha waxey leeyihiin habab ay isugu soo dhawaadaan iyadoo arintaasi uu qeybta weyn ka cayaarayo qalbiyadooda iyo heerka ay la egtahay baahida ay isku qabaan.


Jaceylka dad badan oo ka hadla waxey aaminsan yihiin marwalbo oo aad u adeegsato lamaanahaaga ereyga waan ku jeclahay iney sii badaneyso kalsoonida iyo baahida leysku qabo,iyadoo arintaasi doorweyn ka cayaari karo inuu sii kordho rabitaanka labada shaqsi.

Ereyada sixirka ah ee lagu cabiro jaceylka dad badan ayaa qirta iney adeegsadan maalmaha ugu horeysay ee ay bilaabto wada socodkooda,haseyeeshee mudo kadib ay iska yaraato adeegsiga waan ku jeclahay.


Lamaanayaal badan ayaa tilmaama iney aad uga helaan iney si joogto ah u gu adeegsadaan qofka ay jecel yihiin ereyada abuura dareemaha jaceylka gaar ahaan aan afkoodu ka dhamaan waan ku jeclahay.

Ma sahlana inaad qof jeclaato oo aad qeybta laga xukumo naftaada gacanta ka saaro,kuna dhiirigeliso inuu si toos ah ama si dadban kuu maamulo,laga yaabee qofkaas inuusan istaahilin fursada nolosha ee aad siisay.

mararka qaaar waxaan qaadanaa go’aano adadag oo ku saabsan mustaqbalka nolosheena anagoon ka fiirsan talaabadaas aan qaadnay natiijada ka imaan karta,sida horey loo sheegayna qof wax jecel waa indhool, bini aadamku marka uu qalbiga hogaamiyana wax kasta ayaa ka imaan kara, ka fogow weligaa inuu qalbigaaga hogaanka kuu qabto, maskaxda iyo qalbigu waa iney wada shaqeeyaan hadii kale shalaaydu wax tegay ma soo celin karto.



Hadaba aqriste qiyaas intee la’eg ayaad maalintii tiraahdaa xabiibtaada/kaaga WAAN KU JECLAHAY.?
Qalbigaaguse si aad ah ma u garaacmaa marka qofka aad jeceshahay uu ereyadaan ku yiraahdo?
Jawi noocee ah ayaad gashaa markaad dareento qofkaas inuu aad kugu dhow yahay?


Si yaabo kala duwan ayey bini aadamku u kala fasiraan dareenka jaceylka waxaana xukumo dabeecadaha caadiga ah ee qofku u dhashay, hadii aad horey u aheyd qof degan aamusnaan badan waxaa laga yaabaa iney kugu adkaato inaad ku dhiirato oo aad hor istaagto qofka aad rabto una soo bandhigto waxaad u qabto. Hadiise aaad horey u aheyd qof aftahan ah oo aad u dhiiran aanan hadalada la gamban laga yaabee iney sheekada kuu sahlanaayo.

Badweynta caashaqa qof bartaa ka bogan kara ee dhalinyaro iska ilaaliya jaceylka iyo ka helida waa qataraha badanaa dad badani ku hoogtaa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada