Qormo ka hadleysa Aabaha aan xilkiisa Gudanin Akhriso

Qormo ka hadleysa Aabaha aan xilkiisa Gudanin Akhriso

daajis.com:-Waxay ahayd ammin hore. Qof dani waddo mooyee ruux kale waddada ma socon. Waxa aan u jeeday suuqa. Isa soo taagay goob laga raaco basaska. Koray midkii ii qornaa. Kursi lammaane loogu talogalay oo mid uun ka sokeeyay fadhiistay.

Muddo markii aan kursigii ku kaliyoobay, waxa mar kaliya ila soo jaaray nin iyo ilmo isku lammaan. Ilmaha laabta ayaa uu ku siday markuu soo fuulayay, bal se markuu salka kursiga dhigay ilmihii dhabtiisa ayuu ku qabtay. Anigu intaas waan fiirinayay, bal se isagu iima jeedin. Waayo, waxa mashquuliyay daryeelka xad dhaafka ah ee ilmihiisa yar.

 Da'ahaan waxa aan ku qiyaasay 30 jir, wuxuuna iila ekaa aabbaha dhalay ilmaha yar. Waxa aan aad uga yaabay sida uu ilmahaa yar ula sheekaysanayay, u maaweelinayay, laabta ugu qabanayay, labada dhabanna kolba uga dhunkanayay. Kalgacalka, sheekada, koolkoolinta iyo farxadda dhex maraysay ilmahaas yar iyo aabbihii waxay ahayd mid ay wada dareemeen dhammaan daddkii baska saarnaa.

Qof hoosta ka qooraansada, qof si badheedh ah u eega, iyo qof u riyaaqa oo la muraaqoodaba waannu iskugu jirnay. Oo tolow maxaa laga eegayay?! Ma wax cusubaa? Miyaan waligeedba la arag ilmo yar iyo aabbihii oo wada socda?! Mooyi!

Waqti badanba kamay soo wareegin markii ay noo caddaatay in aabbaha iyo ilmaha yari aanay ahayn soomaali balse ay ka soo jeedaan waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Isla judhaas aan ogaadayba waxaan galay fikir hor leh aniga oo is weydiinaya su’aalo badan: “Weli miyaad aragtay nin Soomaali ah oo ilmo yar oo da’dan jira keligii sida?

Haba sido ee mid sidan oo kale ee kalgacalka iyo aabbanimadu ka muuqato u haya ilmo yar oo uu dhalay? Weli miyaad aragtay aabbo Soomaali ah oo keligii ilmo uu dhalay suuqa wax uga soo gadaya, ama goob caafimaad la fadhiya, ama sidan oo kale ula saaran gaadiid dadweyne?” Jawaab ayaan u waayay su’aalahaas, waxaanan iskula murmay in aan arkay iyo inkale! Oo tolow maxaa keenay in aan shaki intaas le’eg gelinyo in uu jiro aabbo Soomaali ah oo ilmihiisa sidan u jecel iyo in kale? Maxay se u jeclaan waayeen ee u diiday ma iyagaan dhalin?! Oo yaa dhalay haddaa? Mooyi! Malaha hooyada oo keli ah uun baa ka masuul ah ilmaha korintiisa, 

Barbaarintiisa iyo daryeeliddiisaba, mise innaga ayaan dhaqan u lahayn in uu Aabbuhu ilmaha yar jacayl u muujiyo, kaxeeyo oo hooyada kala qayb qaato korintiisa iyo hawlihiisa gaarka ahba? Oo ma ceebbaa hadduu kaxeeyo, oo uu bas la raaco, ciyaarsiiyo, dugsiga geeyo, wax u soo iibiyo, waqtina siiyo? Maya ceeb maaha balse waa waajib iyo xuquuq ay garab mareen oo hilmaameen Aabbayaal badan oo Soomaali ah intii ay ku mashquulsanaayeen soo helidda waqti lumiyaha (qaadka), intii ay fadhiyeen goobaha lagu barjeeyo, intii ay buux dhaafiyeen xarumaha mirqaanka iyo waallida lagu boqro, intii ay falanqeynayeen siyaasadda dalka iyo ta dibadda, intii ay ka sheekaynayeen wax aan dantoodu farin, intii ay ku foognaayeen qabyaalad iyo fadhi ku dirirnimo.

Ugu dambayn, waxa mudan in aynu is weydiinno haddaan aabbuhu jacayl iyo naxariis tusin ilmaha inta uu yar yahay, marka uu weynaado ilmahaasi intee in leeg buu jeclaanayaa ama u naxariisanayaa Aabbihii?

F.G. Dhambaalkan ma khuseeyo aabbayaasha wanaagsan ee xilkoodi ka soo baxay, Ilaahay ha ka abaal mariyee.

Qalinkii Muno Axmed Cumar  
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada